BALIGUBADLE MEDIA
“Tigid Ayaan U Jarayaa Ilhaan Cumar Ay Soomaaliya Ku Tagto” Senator Rand Paul
July 30, 2019 - Written by admin

Senator Rand Paul ayaa soo jeediyey in uu xildhibaanad Ilhaan Cumar tigid u jarayo si ay Soomaaliya u aaddo oo ay u ogaato “Barwaaqada ay Maraykanka ku haysato,” asagoo xoojinaya hadalkii Madaxweyne Trump ee ahaa in xubnaha xisbiga Dimuquraadiga ah ee gobolka Minnesota ka soo jeeda iyo saddex gabdhood oo xildhibaanno ah ay “dib ugu laabtaan” halkii ay ka yimaadeen oo uu sheegay in ay yihiin “meelo ay colaado daashadeen”.

Paul ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta Breitbart.

Qoraalladii Trump uu Twitter-ka ku daabacay horraantii bishaan ee ku saabsanaa Ilhaan Cumar iyo saddex gabdhood oo kale oo Congress-ka ka tirsan ayaa keenay in qaraar hadalladiisa lagu dheleecaynayo la geeyo Aqalka Congress-ka.

Saddex ka mid ah haweenkaas ayaa ku dhashay Maraykanka, Ilhaan oo ku dhalatay Soomaaliya ayaa ayaduna qaadatay dhalashada dalkaas.

Ayadoo ay cirka isku shareertay doodda ka dhalatay hadallada Trump, ayaa Paul wuxuu difaacay madaxweyne Trump asagoo sheegay in uu la yaabban yahay “xushmad la’aanta Ilhan Cumar ay u hayso dalkeenna”. Paul ayaa arrintaas aad ugu dheeraaday mar uu waraysi siinayey warbaahinta Breitbart.

“Anigoon oranayn meel baan u diraynaa, haddana waxaan ku caawinayaa in aan tigid u gado si ay Soomaaliya u soo aragto, waxaan filyaa in ay wax ku qaadan doonto oo ay wax uun ka baran doonto muusiibada Soomaaliya ka taagan – ma jiro dastuur dadka siinaya xuquuqdii ilahay siiyey, waxaana ka jira ku dhawaad toddobo qabiil oo 40-kii sano ee la soo dhaafay is dagaallayay”, ayuu yidhi Paul.

“Waxaa fiicnaan lahayd in ay Soomaaliya xoogaa soo joogto, si ay u soo laabato ayadoo Maraykanka u mahadnaqaysa”.

Afhayeenka Ilhaan Cumar ayaa ka gaabsaday in uu wax faallo ah ka bixiyo hadallada Paul.

Ka dib markii Axaddii ay bilaabatay in la isla dhex maro haddalladii Paul, ayaa Ilhaan Cumar waxay dib u sii baahisay qoraal uu Twitter-kiisa soo dhigay majaajillayste Tom Arnold oo u muuqday in uu tooshka ku ifinayey dhacdo ku saabsanayd xildhibaankan Jamhuuriga ka tirsan oo sannadkii 2017-kii uu soo weeraray qof dariskiisa ka mid ahaa.

Qoraalka ay Ilhaan Cumar sii baahisay ayaa caro ka dhex abuuray qolyaha muxaafidka ah, oo uu ka mid yahay wiilka madaxweyne Trump, Donald Trump Jr.

Mrs Cumar ayaa ah mid ka mid ah labada gabdhood ee Muslimka ah ee ku cusub Aqalka Congress-ka, waxayna ka mid tahay dadka sida adag u dhaliila siyaasadaha madaxweyne Trump iyo qaabka uu u hadlo.

BBC.

COMMENTS