BALIGUBADLE MEDIA
Guinea-Conakry: Dal Kamid Ah Dalalka Ugu Faqiirsan Afrika Kuna Liita Xuquuqda Bini’aadamka.
July 4, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo
ayaa booqasho qaadanaysa dhawr maalmood ku tagay dalka Gini oo ka mid ah dalalka ku yaala galbeedka Afrika.

muftaax2

Hadaba Dalka Gini (Guinea) oo uu imika madaxwayne kayahay Alpha Condé ayaa ah dal ku yaala Galbeedka Afrika xornimadana ka qaatay sannadkii 1958kii dalka faransiika, luuqada rasmiga ah ee lagaga hadlo dalkaasi ayaa ah luuqada Faransiiska, inkastooy jiraan luuqado kale oo ay ku hadlaan shacabka dalkaasi.

Dadka ku nool dalka Gini ayaa ah dad intooda badani haystaan diinta islaamka, waxaana shacabka dalkaasi tiradooda lagu qiyaasaa inay gaadhayso12.4 Million.

Dalkan ayaa dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay beeraha, waxaanu leeyahay macdano laakiin loogama faa’iidayn macdanahaasi shacabka Gini, taasi oo dalka ka dhigtay inuu kamid noqdo wadamada ugu faqiirsan dalalka qaarada Africa.

Dalkan ayaa 2014kii waxaa ka dilaacay cudurka Iboolaha (Ebola), dhinaca kalana wadankan ayaa ka mid ah wadamada ku liitada ilaalinta xuquuqda biniaadamka.

Dadka siyaasada falaqeeya ayaa iswaydiinaya waxa ay ka faa’iidayso Somaliland siyaasiyan iyo dhinacyada kalaba dal ka mid ah dalalka Afrika ugu liita xaga heerka nolasha bini’aadamka iyo Xuquuqdaba.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS