BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Somaliya oo Soo Saartay Amar Ku Wajahan Hay’adaha Caalamiga Ah Iyo Beesha Caalamka.
July 7, 2019 - Written by admin

Warqadda oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa lagu wargeliyay dhamaan Hay’addaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Amisom iyo Shirkadaha Duulimaadyada ee ka hawlgala Muqdisho in Garoonka Aadan Cadde aysan ugu yeedhi karin magaca Garoonka Muqdisho, balse magaca saxda uu yahay Aadan Cabdulle Cismaan Airport.

warqadhuuhaa

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan u beddelaan magaca Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo wali ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS