BALIGUBADLE MEDIA
Ma Dhabaa In Xukuumada Somaliland Boqor Buurmadaw Ka Dacwaysay Imaaraadka?
June 9, 2019 - Written by admin

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga ee xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa lama filaan ku tilmaamay in dawladda Imaaraadka Carabta oo saaxiib la ah Somaliland ogolaato in Boqor Buurmadow dalkeeda ka soo mucaarado xukuumadda Somaliland.

boqor buurmadaw
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo dalka Imaaraadka jooga ayaa dhawr jeer saxaafadda ka dhalliilay xukuumadda Biixi waxaana si gaar ah u damqay xukuumadda shirka uu sheegay in uu Burco ku dhexmarayo beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco.

Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya qoraallo wasiirkan ay Boqorka isku degaanka yihiin ku baahiyay boggiisa Twitterka ayaa ku waramay in wasiirku dawladda Imaaraadka hawada u mariyay dacwad ka dhan ah Boqor Buurmadow “Dawladda Imaaraadku dadka dalkeeda ruqsada ku jooga ee waddamo kale xasillooni darro iyo fadqalalo maalin walba ula taagaan miidiyaha ma waxay ogtahay baa mise war baanay ka hayn? Sidaas ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Waxa uu sheegay in aanu dawladda Imaaraadka uga fadhiyin in ay u dulqaadato Boqor Buurmadow “Maan filayn UAE inay ogolaato oo u dul-qaadato shisheeye ay siisay dal ku gal ku meel gaadh ah inay si joogto ah u gudbiyaan oo u kiciyaan xasillooni darro iyo khilaaf ka dhaca Somaliland oo ay saaxiib yihiin,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi waxaanu intaasi raaciyay in uu dadkaasi tusaale cad u yahay Boqor Buurmadow oo uu ku eedeeyay in uu xasarad wado.

Wasiirkii qorshaynta ee xukuumaddii Siilaanyo Maxamed Aadan Qabyotire ayaa dhawaan sheegay in ay Boqor Buurmadow ula tageen dhexdhexaadin isaga iyo xukuumadda madaxweyne Biixi ah mana cadda in ay ku guulaysan doonan arrintan oo ay isaga iyo Eng Faysal ku hawlan yihiin.

Hadalka wasiir Gaafaadhi ayaa muujinaya sida ay xukuumaddu uga damqatay hadallada Boqor Buurmadow oo hore madaxweyne Biixi u xidhay waxaana hore ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo ay isku degaan yihiin Boqorka isaga oo ganafka ku dhuftay shirka Boqorku ku baaqay. Waxa kale oo shirkaasi ka hor yimid guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha Cabdikariin Xinif oo isna isla degaanka ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS