BALIGUBADLE MEDIA
Khasaaraha Ka Dhashay Doon Urarnayd Ganacsato Somaliland Ah Oo Degtay.
June 14, 2019 - Written by admin

Doon magaceeda La Odhan Jiray Maxamed Naciim oo Dabayaaqadii Bishii Ramadan kasoo Shiraaqatay Dekada Dubai

ee dalka Imaaraadka carabta  oo u rarnayd ganacsato Reer Somaliland ah ayaa saaka degtay, sida Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo kamid ah ganacsatada ay doontu urarnayd uu sheegay warbaahinta

breaking news

Sheekh cabdi raxiim ayaa xaqiiiyay in  Doontasi Degtay saaka Xiligii salaada Subax Lagu Jiray Kadib markii dabaylo Xoogan  oo ah Kuwii xagaaga ay ka Horyimaadeen  Socodkuna ku adkaaday, Cabdiraxiim  Wuxuu Intasi ku daray in Doontu u Jirtay Berbera  masaafo dhan 140 Mail  lakiin ay Awood u wayday Dabaylaha Xoogan  daraadood in ay soo jiidho waxaana isku dayday in ay dhufays ka dhigato inta dabayshu yaranayso  magaalo xeebeeda mukla ee dalka yemen  laakiin taasi way usuura gali wayday ayuu yidhi.

Sheekh cabdiraxiim  ayaa sheegay in laga badbaadiyay  shaqaalihii doontaa  waxaanu guray diyaaradaha tooska u kaca  ee helikobtarka looyaqan, inta wuxuu ku daray in  shaqaalaha doontu  ahayeen Hindi.

Doontan  ayaa waxa sarnaa  50 babuur oo kala duwan iyo ganacsi  kala duwan oo dhawar  milyan oo doolar ku dhawaa sida uu qiyaasay mr cabdiraxiim oo ku sugan Dubai.

Sida wararku xaqiijiyeen  Shirkada daldhis ayaana  ugu Khasaare Badnayd waxaana ka srnaa  aduun dhan sideed boqol oo kun oo doolar inkastoo  khasare xoogani soo wada gaadhay  guud ahaanba ganacsadatii ay u rarnayd doontani

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS