BALIGUBADLE MEDIA
Boqor Buurmadaw Oo Ka Hadlay Ciidamo La Sheegay Inuu Leeyahay Oo Ku Sugan Sanaag.
June 11, 2019 - Written by admin

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa beeniyay warar sheegaya in ciidan uu leeyahay ay utalaabeen dhinaca maamul goboleedka Puntland.

buurta
Boqorka oo la hadlay Horn Cable Tv  ayaa  sheegay in aanay jirin ciidan iyo gaadiid dagaal oo uu leeyahay oo u tallaabay dhinaca Puntland ama bariga gobolka Sanaag.

Boqorka, ayaa sheegay in aanu marnaba ku dhaqaaqayn fal ka dhan ah Qaranimada Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Tiimbaro oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in ciidamo ka amar qaata Boqor Buurmadow u gudbeen deegaan u dhow magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS