BALIGUBADLE MEDIA
Maxay Daaranyihiin Shirar Ay Adis-ababa Ku Leeyihiin Axsaabta Siyaasadda ee Ethiopia ?
May 18, 2019 - Written by admin

Axsaabta siyaasada ee dalka Itoobiya ayaa wada hadal iyo doodi uga furantay magaalada Addis Ababa ee dalkaasi.

news
Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana shirkan ayaa lagaga hadlayaa fursadaha iyo caqabadaha ay wajahayso dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo habka ay u socdaan isbadalada ka socda dalkaasi iyo qodobo kale.

Shirkan oo uu goob joog ka yahay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa sidoo kale lagaga hadli doonaa arimo la xidhiidh dimuqraadiyada la doonayo in laga hirgeliyo dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxa cilmi baadhisyo ay sameyeen ku soo bandhigay qaar ka mid ah aqoonyahanada dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin Dr Semir Aman, Professors Hizkias Assefa, ayDr Elizabeth Hailegiorgis, and Andualem Arage.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS