BALIGUBADLE MEDIA
Prof Samatar oo Ka Waramay Shakhsiyadda Cabdiraxmaan Cirro Iyo Aqoonta ay Isku Leeyihiin
May 24, 2019 - Written by admin

Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa ka waramay sida ay haatan isku yihiin xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu ka mid yahay iyo socdaal diyaaradeed oo Hargeysa ilaa Nayrobi ah oo ay isku sii lug dareen guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-cirro.

samatar

Prof. Axmed Ismaacil Samatar ayaa sheegay inuu daacad u yahay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxaanu sida oo kale sheegay inuu si xor ah uga hadlaayo dhamaan dhacdooyinka u baahan ka hadalka, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Iilig oo ka tirsan tilifishanka HCTV, waxaanu ugu horayntii ka hadlay isaga iyo Cabdiraxmaan-cirro oo sii wada raacay diyaarad ka baxday Hargeysa oo ku socotay Nayrobi, waxaanu yidhi ” Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nayroobi aniguna Nayroobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay, madaarkii Addis ayaanu ku degnay halkii diyaaradaha lagu badalaayay, dad kale oo baayac mushtar ah oo aanu halkaas isku baranay oo Kiiniya degan laakiin reer Somaliland ah intayadiiba halkii baanu ku sheekaysanay, ilaa diyaaradii noo timi waanu sii sheekaysanay oo markii danbena hudheel ayaanu ku wada degnay waxbadan waanu ka sheekaysanay,intaanu roobku da’in ayuu ahaa oo abaaraha jira iyo khatarta soo socota, waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu suaalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay.”

Waxa uu meesha ka saaray in kulamadii ay hore u yeesheen gudddoomiye Cirro iyo kulankooda Nayroobiba aanay la xidhiidhin siyaasad iyo wax la sii qorsheeyay. Waxaanu dhanka kale ka hadlay xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay hadda sida ay isku yihiin oo wax laga waydiiyay , waxaanu yidhi ” Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa waxaan rajaynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin, waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganay iyo ku jirniinka xisbiga laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS