BALIGUBADLE MEDIA
Nin Kastoo Salaan Dheer U Baxa Soo Deg Baa Xigiye ( Abdi-shotaly)!
May 31, 2019 - Written by admin

Nin-ba meesha bugtaa isagay belbe-shaayoo, bogga hoosiyo beerka,
bay baguugaa ka dhigtaayoo, bestii uu la noqdaayoo, markuu baala daymoodee,  arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo, ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi’iseen. waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, hadaaq uun la butaaca, sidda babka askariga, kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, in uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa. miyanu raali ka ahana karnaa, saw inaan iska habano maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, bal ummad yahay u fiirsadda, midaan derbiyadad seexdda, oo bakhtigu u xalaal yahay, baa reer iyo mid aanu isku xaafad nahay baa kursiga ku fadhiya , ku difaacaaya,waxaas oo xume ah, kan hadoodi-layee  hanjabaadda ku waashay, misna hoos ka qalaalan, hoorseed-kiisii khaldamay, hadalkii is dhex qaaday, hubaal maw aragteen. Akhristaw aan dib ugu soo noqdo sidda uu cinwaanka maqaalku inoo biniixi-naayo’e, bal ku soo dhawaw waa tane.

Muwaadin waxa uu dadku u yaqaano ” Makhruuqa, waa cudur laga qaado qof waxaad jecshahay, oo aad wayday haysta, oo aad ku aragtay ama heli kari la’dahay, ama maksab uu gaadhay aad u diidan tahay, oo qaybta illaahay iyo abuuri-diisa ka soo hor-jeedda, doonaaya in ruuxaasi wuxu illaah ugu deeqay, in uu ka qaado oo isaga siiyo, mana laha dawo kaasi, ee isaga buu dishoodda una dhinta, waxa dadka qaarkii ku sheegaan noocaas  ” Xaasid ” waayo wuxu ka dhimanayaa qofkaa uu sinaba ula sinmi waayey, ee uu casaawa-jalahu ka sarey-siiyey, dabeed wuxu isku dayaa in uu kolba taako u dhigo, uu is yidhaaho ha ku jabo, waase uu ku guul daraystaa sidda Raggii ma adigaa ka hadhay. kaas oo markii uu ka yaabay, maalin-ba-maalinta ka dambaysa, murugo iyo muraara-dilaac, maskax-fered iyo weji gabax ka sii qaadaaya, waa kaase maryihii dhigtay,  markii ay ummadu qaawisay, ee la isu soo taagi waayey. Markii uu ku joojin kari waayey dadka been. buu imika kolba shaadh soo gashanayaa hore milicdda loogu wadhay.

Tuke ha iska qqaaleeyee sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la’aanta, xaraashka Hantidii ma guurtadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaqbalkii iyo rajaddii dalkan iyo dadkani. Muwaadin, ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dibugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askartiina ay inaga isku keen jeedisay, ee kuwii uu sheegay ( IHN) Xaaji Aadan Af-qalooc, ee uu lahaa  ” Waash-maan Kol ay Tahay Ninkii Taabay Meel Dheregye” oo mid-ba kuu ka liitay loo tiriyey xaf iis, sidda “Ka hablaha Caaya” kaas oo taariikh-diisa la hayo, iyo qaar uu u shir tegaayo  kaasi, oo aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la’aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka waantoobi, oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu riido , baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.

Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdi mid soo haaban kari la,’ uu is yidhaaho sare u soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiyey, oo barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaayo, waxase uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go’aa, sidda qaar badan ku dhacday, wuxu yidhi Abwaan Qaasim (IHN)” Suul-daaro waw halis nimay rag isi seegeene” waxa ka mid ah oo kale murti-diisa ” Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye”. aad bay u fara badan tahay xikmadda uu inooga tegay Abwaan-kuye, oo mid la soo koobi karaayo maaha’e, hadaan mar kale isku dayo in aan idin kebisiiyo, wuxuu illaah ha u naxariisto’e yidhi ” Caruuraha la dhacay, awliyadan laga cadhay-siiyey, carshi-gaaba laga soo aqabalay, cabatin-koodiiye, inay curado khayr lihi kacaan, ciidan la arkeeye, cagta ii dhig waa kaa nabsigii, soo car-ceer-sadaye”. inta badan waa la arki jirey wuxu sheegi jiraye (IHN) mar kale wuxu yidhi” So’da ceelka waa waxa biyuu, uga sal-guureene, waa waxa abaar nagu saliday, soof ma reebto ahe, saxal-kiyo waa waxa na baday, soorta yaraw-geede, surba-caadka maruun baan ka bixi, saatir baa jira’e. waxan ku soo xidhay, waxa la yidhi ” Halka aad nin ka qaadato-ba, nin baad kaga tagtaa” wakhti-guna wuu ku gurayaa, ficil-kaaguna kama daahana ummadda, oo ishaa macalin ah, neefka marka la qalo, mudo buu sii raftaa, oo is yidhaahaa kac, laakiin aakhirka way ka dhamaataa, markaasuu dhulka ogolaadaa, adiga iyo kulmiyana noocaas baad ku jirtaan, oo rafadkii ugu dambeeyey, baad cagaha laabta la dhacaysaan, siddii hal jibaaday, oo dhuun yeedhisay, welise kuuma qudh-qudh-sana, ee iska sii galgalo, inta ay si wacan kuu macasalaa-maynayso.

* N.B Waxan Wax Gartaa marka Dhagax i dhaafo, Mid-na igu dhaco, Midna igu soo socdo

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

COMMENTS