BALIGUBADLE MEDIA
Mid Kamida Saraakiishii Dawladii Faqash oo Maxkamad Lagu Soo Hortaagay Dalka Maraykanka _
May 15, 2019 - Written by admin

Sarkaal  Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali  ( Tuke ) ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa.

tuke

Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jidh -dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii.

Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland gaar ahaan magaalada Gabilay

Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xidhay 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey.

Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xidhnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay.

Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay.

Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah.

Yuusuf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto.

Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia.

Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS