BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Isku Shaandhantii Ugu Balaadhnayd Abid Ku Samaynaya Xukuumadiisa
May 14, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland mudane muuse biixi ayaa la filayaa inuu isku shaandhantii ugu balaadhnayd abid ku sameeyo xukuumadiisa taasoo oo galaafanaysa raxan wasiiro ah oo ka tisan xukuumadiisa iyo waaxda garsoorka  kadib markii ay bateen fashilaadaha go’aamadda kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha taas oo ay sabab u tahay waayo aragnimo la’aanta wasiiradda xukuumadda madaxwayne biixi

madaxwayne biixi

Madaxwaynaha ayaa muddo sanad iyo badh ah oo uu hayay taladda dalka garwaaqsaday in la gaadhay xiligii uu isku shaandhayn lahaa xukuumadiisa islamarkaana uu rag badan oo tareenka la saaran ka tuuri lahaa kuwaas oo aanay jirin sabab ay ula sii socdaan maadaama oo ay ku fashilmeen masuuliyadii loo igmaday

wasaaradaha madaxwaynuhu fara-faraynaayo waxa kamid ah sida ilowareedyo aanu ka helnay qasriga madaxtooyadu sheegayaan wasaaradaha daakhiligi, maaliyadda arrimaha dibadda, waxbarashadda, maalgashiga, Beeraha, Xanaanadda Xoolaha Iyo Kaluumaysiga , horumarinta wadooyinka, awqaafta, ganacsiga, dastuurka, isgaadhsiinta  iyo qaar kamida haayadaha madaxa banaan sida maareeyaha duulista iyo sidoo kale maareeyaha barakacayaasha, hanti dhawraha guud ee qaranka

madaxwaynaha ayaa sidoo kale soo kordhinaya wasaaraddo ay kamid yihiin wasaaradda madaxtooyadda, wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kaluumaysiga ayaa iyagana laga dhigi doonaa laba wasaaradood oo kala jaad ah halka madaxwaynuhu soo kordhinayo wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska

sidoo kale madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado gudoomiyaha maxkamadda sarre iyo  xeer ilaaliyaha guud meelaha isku shaandhaynta madaxwaynuhu la filayo inay taabato waxa kamida taliyaha ciidanka qaranka oo beeshiisa kasoo jeeda ilowareedyadda ayaa intaas ku daraya in madaxwaynuhu muddo badan oo uu darsay ay ka fursan wayday inuu faraha la galo arrimaha garsoorka islamarkaana masuuliyiintooda u sareeya uu xilka ka caydhin doono

Axmed Software

Baligubadlemedia.com

Hargeysa

COMMENTS