BALIGUBADLE MEDIA
Ma Dhab Baa Inuu Jaadku Sababo Cudurka Dhimirka?
May 15, 2019 - Written by admin

Ganacsatda qaadka ee dalka Kenya waxay maalin walba suuqa keenaan jawaanno jaad ah iyaga oo ka hela dakhli aad u badan.

Saynisyahanno ka tirsan haya’adda Cilmibaadhista Caafimaadka ee Kenya (Kemri), oo daraasad ku sameeyey dhibaatooyinka qaadka ayaa sheegay inuu qaadka khatar ku yahay caafimaadka maskaxda.

jaad qaad
Kemri, waxay daraasaddan oo ay sanadkii 2015-kii soo billaawday ku sameeysay gobollada Embu iyo Meru oo ka wada tirsan dalka Kenya.

Saaynisyahannada daraasadda waday oo 2017-kii natiijada hordhaca shaaca ka qaaday waxay sheegeen in qaadku wax saameyn ah uusan u geysaneyn afka, galmada iyo caafimaadka.

Hase yeeshee, daraasaddan cusub ee ay Kemri toddobaadkii hore ku soo daabacday wargeyska natiijooyinka cilmibaadhista lagu soo daabaco ku sheegtay in qaadka uu sababo waxyeello soo gaarta caafimaadka maskaxda..

“Baaritaan lagu sameeyey dadka qaadka cuna oo darasadda ka qayb qaatay waxaa lagu ogaaday iney maskaxda wax ka qabaan”, ayaa lagu yidhi warbixinta daraasadda talaadadii hore lagu soo daabacay wargeyska BMC Psychiatry.

Waa marki ugu horreysay oo si rasmi ah loo shaaciyo natiijada daraasaddan oo soo billaabatay 2015-kii, 2017-kiina natiijadeeda hordhaca lagu soo bandhigay kulanka sanadlaha ee ay saynisyahannada iyo cilmibaarayaasha Kenya yeeshaan.

Warbixintu waxaa kale oo ay intaa ku dartay inay jiraan labo astaamood oo dadka qaadka cuno baaritaankooda lagu ogaaday iney dhimirka qofka wax u dhimaan.

Daraasaddan qaadka oo ay maalgelisay dowladda Kenya waxaa ku baxday miisaniyad dhan 38 milyan oo shilinka Kenya ah.

Waxaa cilmi baarista lagu wareystay 831 qof oo 306 ka mid ah oo u dhiganta 37% ay cunaan qaadka kala barna ay yihiin rag.

14% dhallinta ay da’dooda u dhaxeyso 10-17 oo draasadda laga qayb geliyey ayaa lagu ogaaday iney qaadka cunaan, waxaana qaadka lala xidhiidhiyey inuu kordhiyo khatarta ay dhallinta da’da yar ugu jiraan iney ku dhacaan cudurrada galmada lagu kala qaado.

Waxaa kale oo lagu ogaaday daraasaddan in dadka qaadka cuna intooda badan ay ku daraan cabbidda khamriga iyo Sigaarka.

Daraasaddanna waxaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhaxeyn kara cunista qaadka iyo calaamadaha qofka u horseeda iney cudurrada maskaxda ku dhacaan.

Dr Evans Amukoye, oo ah maareeye ku xigeenka hay’adda Kemri ayaa wargeyska The standard ku yidhi: “Daraasaddii hore iyo tan ay hadda hay’addu soo bandhigtay waxba kuma kala duwana balse tan dambe ayaa qota dheer.”

Saaynisyahanada inta ay daraasaddooda qaadka wadeen waxay si gaar ah diiradda u saarayeen da’da, jinsiga, isticmaalka tubaakada ama khamriga.

Professor Charles Mbakaya oo wax ka dhiga jaamacadda Rongo ayaa cilmi baaris uu 2017-kii soo bandhigay wuxuu ku sheegay in qaadka uu xiriir la leeyahay cunta qaadashada qofka oo aad u yaraata.

“inta xogta daraasadda la uruurinayey dumarka aan la kulannay waxay noo sheegeen in ragga qaadka cuno ay xagga galmada aad ugu fiican yihiin.” ayuu yiri Mr Mbakaya.

Balse daraasaddan cusub ee 2019-ka laguma sheegin cunista qaadka inuu kor u qaadayo awoodda galmada, cunna qaadashada iyo qofka cuno inuu ku caatooba toona.

Saaynisyahannada sameeyay daraasaddan natiijadeeda la soo bandhigay waxaa ku wehiliyey cilmi baadhayaal ka kala socday Jaamacadaha Moi, Eldoret iyo Rongo.

BBC.

COMMENTS