BALIGUBADLE MEDIA
La Ye, “Kenya Waxa Ay Xannibtey Dal-ku-Galkii Waddankeeda Ee Madaxda Xukuumadda DFS Iyo Wakiillada Soomaaliya”!
May 24, 2019 - Written by admin

Taas beddelkeeda waxa ay kor u qaadaysaa meeqaamkii xidhiidka Somaliland.

Somaliland waa u fursad weyn, waxana la yidhaahdaa cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa, in kasta oo aanan anigu Soomaaliya cadow u aqoon, aan se u aqaan waddan aannu walaalo nahay, lkn se is diiddooyin iyo khilaafyo laga gun-gaaandhi karaa na dhex yaallin.

28 sannadood oo ay Somaliland gaar u taagnayd oo ay aqoonsi doon ahayd uma ay muujin Kenyi il naxariiseed iyo wax yuhuun ah oo aqoonsi diblomaasiyadeed ku saabsan wixii ka horreeyey intii uu soo baxay damaca Kenya ee xeebaha Soomaaliya.

Waa ay iska caddahay waxa uu daarran yahay beerlaxawsiga Kenya ee Somaliland oo waa baqe-ku-maal (black mailing) ama suxul maroojin ku aaddan Soomaaliya si ay u ruxruxdo, uguna cagajugleyso.

Hase yeeshee arrintu intaas waa ay ka gundheer tahay marka la eego jiritaanka qaab-dhismo-siyaasadeed ee gobolka.

Labada waddan ee Kenya iyo Itoobiya waxa ku maqan dhulal dad Soomaali ahi ay deggan yihiin oo hadda labadaas waddan ka mid ah.

Haddii Kenyo isku daydo dalbaalladhsi ama in ay xoog ku qaadato mitir xeebaha Soomaaliya ka ah waxa dhici kacdoon Soomaalida inteeda kale ku taageeri doonaan Muqdisho.

Dhinaca kale, Kenya waa ay ku adkaan doontaa in ay Somaliland si sahlan aqoonsi rasmi ah u siiso.

Waayo?

1. Waxa ay Kenya og tahay in Soomaalida maamulkeeda hoos tagtaa hanqalka la soo kici oo ay dalban aayo-ka-tashi iyo madaxbannaani.

2. In intaas oo kale iyo ka badanna ay la oogsan doonaan Soomaalida Itoobiya oo bilaabi dhaqdhaqaaq xooggan oo aayo-ka-tashi ah.

3. Mawqifka AU oo arrintaas ay adag tahay in ay aqbalaan, gaar ahaanna Itoobiya oo ah waddan saamayn weyn oo siyaasadeed, milateri iyo dhaqaaleba gobolka iyo AU ku leh, arrintuna aad khusayso, una horseedi karto kala daadasho dalkeeda ku timaadda iyo Kenya oo aan lahayn awood ay ku caabbiyi mawqifyada Itoobiya iyo AU, eegaysana degganaanta siyaasadeed ee waddankeeda.

Anigu waxa aan u arkaa in Somaliland wixii fursad ah ay ka faa’iidaysan karto, hase yeeshee haddii ay aqoonsi qudha uun xooggeeda isugu geyso iyada oo aan la qiimayn qodobbada sare oo ah run jirta waxa lumi kara fursado kale oo aqoonsi ka fudud oo laga faa’iidaysan karo.

“Si hadday u noqon weydo

Si kalaa u waaceen ah”!

Mohamed Baashe Xaaji Xasan

COMMENTS