BALIGUBADLE MEDIA
Xogo Laga Helay Kulan Dhexmaray Kulmiye , Ucid Iyo Komishanka Doorashooyinka
April 26, 2019 - Written by admin

Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa shalay shir doceed ay albaabadu u xidhanayeen oo saddex-geesood ah ku wada yeeshay xarunta guud ee komishanka Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ka yimid kadib markii ay dorraad labadan xisbi soo bandhigeen nuxurka heshiis-yo dhex maray iyo go’aamo la xidhiidha qaddiyadda doorashada.

 huuhaalayaal

Kulankan saddex geesoodka ahaa ee ay wada yeesheen labada xisbi ee KULMIYE,UCID & Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid ay saxaafaddu debad joog ka ahayd, waxa uga qayb-galay xisbiga KULMIYE Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, Axmed Cabdi dheere Guddoomiye xigeenka 2-aad ,Xasan Siciid Xoghayaha Guud, Cabdicasiis Samaale iyo xubno kale, halka ay dhinaca xisbiga UCID ku matelayeen, Musharax ku-xigeenkii xisbigaasi Axmed Cabdi Abyan, Prof Qaasin Tubeec, Axmed Xirsi Ducaale iyo afar xubnood oo kale.

Dhinaca kale maaddaama oo uu kulan-kaasi ahaa mid ay al-baabadu u xidhnayeen, isla markaana aanay labada dhinac markii uu soo idlaaday wax tafaasiil ah ka bixin  ayaa xoggaha aanu ka hellayno illo wareed-yo mihiim ah ay tibaaxeen inuu ahaa mid ay kaga wada hadleen saddex-da dhinac caqabadaha ku gadaaman doorashada golaha wakiillada ee mudaysan inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada gu’gan, taasi oo ay dood dheer ka yeesheen, isla markaana ay isla lafa gureen .

Waxa kale oo ay Xogguhu sheegeen inay Komishankan u sheegeen labadan xisbi in arrimo la xidhiidha qabashada doorashadaasi inay dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi laga sugayo oo qabyo ka yihiin iyo arrimo kale oo ay sheegeen inay ku xidhan yihiin qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhanka doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda. Arrimaha dhiman ayaa ah kuwo dhaqaale.

Xisbiga UCID ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in kulankaasi ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay sidoo kale kaga wada hadleen Komishanka heshiis-yaddii dhexmaray labadaasi xisbi iyo go’aamadii ay soo wada saareen dorraad ee ku tacaluqay dhanka doorashada

Sidoo kale Xisbiga UCID ayaa qoraalkaasi kooban ee ay bahiyeen ku sheegay in kulankaas saddex-da dhinac dhexmaray uu kusoo dhammaaday is afgarad iyo jawi degen

Geesta kalene kulan-ka ay wada yeesheen guddida doorashooyinka iyo xisbiyadda UCID  KULMIYE ayaa la sheegay in aanay Komishanka doorashooyinku ku casuumin xisbiga WADDANI inuu kasoo qayb-gale , kaasi oo ahaa mid ay si gaar ah ugu cusuumeen labadaas Xisbi.

Qoraal Kooban oo Komishanka doorashooyinku soo saaray ayaa lagu sheegay in loo ballamay kulamo dambe oo noocan ah laakiin, xisbiga WADDANI oo hore kalsoonida ugala laabtay Komishanka ayaa sidoo kale si xooggan u diiday qodobada ay ku heshiiyeen Kulmiye iyo UCID

Xigasho: Ilaysnews.com

COMMENTS