BALIGUBADLE MEDIA
“Wasiirka Gaadiidku Awood Ka Baxsan Awoodiisa Wasiirnimo Ayuu Isticmaalayaa Ee Cago Dhigo Ayaanu Leenahay”
April 24, 2019 - Written by admin

Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Wasiirka Gaadidka Cabdillaahi Abokor, oo uu sheegay inuu ku dhaqaaqayo talaabooyin ka baxsan sharciga iyo awoodiisa wasiirnimo.

cabdi haybe

Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada cusub, xalaada Gobolada dalka, Biyo la’aanta, Maceeshada, qiimaha sarifka iyo Saldhiga Milatari ee Berbera, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya Wasiirka Gaadiidka “Meel Baabuurta lagu tijaabiyo ama lagu eego Adduunka oo dhan wey jirtaa, laakiin nin qandaraas laguma siiyo, oo heshiis gaar ah lagulama galo, Liisamadana waxaa la siiyey Ragga geerashayada haysta, oo Baabuurta eega, laakiin Wasiirka Gaadiidku kolba waxyaabo lala yaabo ayuu soo saarayaa, waxaanad mooda inuu cid gaar ah kula sharaakoobay, ta kale waxaan arkaayey iyadoo la leeyahay Baabuurta xawaaradahooda ayaa la eegayaa oo Mishiino Baabuurta lagu tijaabiyo ayaanu keenayaa ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidku,waxaanu sheegay in gaanaxa oo yar la kordihyo, oo dib loogu noqonayo, ganaaxana waxaa iska leh waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka (Tarafikada), ganaaxuna waligiiba wuu jiray, laakiin ganaaxa uu Wasiirka Gaadiidku gaarka u sameeysanayo waa qayrul sharci, marka sharciga la sameeyana cidda wax ganaaxda waa Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka, oo Ciidanka ayaa boqolkiiba badh la siinaya, inta kalena Dawladda ayaa iska leh, laakiin Wasiirka Gaadiidku wuxuu sharci gaar ah u sameeysanayo maaha, ninkan uu la yahay heshiis baan la galay, oo qandaraas baan kula galay inuu baabuurta eego, wax la aqbalayo maaha, Geerashayada ayaa qandaraasyada la siiyaa, oo loo qaybiya, laakiin maaha in qof kaliya la yidhaa adiga ayaa qandaraaska qaadaya, waa qayrul sharci, iyo xaaran, Wasiirka Gaadiidku awood ka baxsan awoodiisa wasiirnimo ayuu isticmaalayaa ee cago dhigo,ayaanu leenahay, Maamul iyo xilal Wasiirnimo hore waanu soo marnay, ee Wasiiradda Muuse Biixi waa in la baraa maamulka, sharciga iyo siday wax ahaan jireen”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Waxa lagu leeyahay intaas oo malyan ayaa Madaxtooyo cusub lagu dhisayaa, yaa Madaxtooyo u baahan, ninkan miskiinka ah ee laga qaaday hantidiisi, iyo Dhulkiisiba, waa ceeb, oo Madaxweynaha waa ku ceeb, Madaxtooyo cusub oo loo baahan yahayna ma jirto, intaynu aqoonsi helaynana Madaxtooyadan ayaa inagu filan, maaha in dadka muwaadiniinta ah la boobo, muwaadinkaas la dhacayaana waa muwaadin xalaal ah ee in wixiisa la boobo maaha, in gidaar afar km ah in la soo wareejisto looma baahna, dadkii oo haraadan in Madaxtooyo cusub la dhisaa waa xaaran”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS