BALIGUBADLE MEDIA
Shacabka Somaliland oo Quus Ka Jooga Hogaaminta Madaxwayne Biixi
April 14, 2019 - Written by admin

madaxwaynaha Jamhuuriyadda somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa gabi ahaanba ku fashilmay hogaamintii somaliland kadib muddo sanad iyo badh ah oo uu majaraha u hayay dalka somaliland

madaxwayne biixi
madaxwayne biixi oo dhamaadkii sanadkii 2017 ku guulaystay madaxwaynenimadda somaliland islamarkaana dad badan oo kamida shacabka somaliland rajo wanaag ka muujinayeen ayaa gabi ahaanba rajooyinkii laga filaayay noqdeen hal bacaad lagu lisay.

madaxwayne biixi oo  inta ugu badan noloshiisa kusoo qaatay gudaha somaliland islamarkaana aan ahayn madaxwayne qurbe joog ah una soo taagnaa caqabado badan oo somaliland lasoo darsay iyo xalinteeda ayaa wax cashar ahi uga kordhin mudadaas badan ee uu somaliland ku sugnaa iyo dhibaatooyinkii lasoo maray

dhanka kale madaxwayne biixi ayaa shacabka somaliland muddo sanad iyo badh ah oo uu taladda somaliland hayo quus ka joogaan iyagoo garwaaqsaday in madaxwayne biixi yahay mid lagu hungoobay doorashadiisii islamarkaana aanay munaasib ahayn inuu kursiga sii fadhiyaa maadaama oo aanay jirin wax rajo ah oo laga dhawrayaa

mudadii uu xilka hayay madaxwayne biixi wuxuu noqday masuul ciil qabe ah islamarkaana aan garanayn xilka iyo masuuliyadda ka saaran umadda taas bedelkeedana kursiga uu ku fadhiyo u fahmay mid lagu aargoosto dadkana lagula garamo halka ay ahayd inuu taas bedelkeeda u isticmaalo kursiga

si kastaba ha ahaatee shacabka somaliland waxay quus ka joogaa madaxwayne biixi oo mudadii uu xafiiska joogay aan wax wanaagsan soo kordhin marka laga yimaado midi midi ku taag uu arin walba ku galo waxaanu ilaaa hadda la ildaranyahay xalinta khilaafka axsaabta, qabashadda doorasho lagu kalsoonyahay, isku dheeli tirka xukuumadiisa iyo sidii uu bulshadda ugu soo magacaabi lahaa xukuumad lagu kalsoonyahay waxaana guud ahaan hadda shacabka somaliland madaxwaynihii ay doorteen ka joogaan quus aad u fool xun

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS