BALIGUBADLE MEDIA
Milatariga La Wareegay Awooda Dalka Suudaan oo Bayaamiyay Maxkamadda Lala Tiigsanayo Madaxwayne Al-Bashiir
April 12, 2019 - Written by admin

Shir jaraa’id ay qabteen militariga Suudaan ayaa waxay kaga hadleen xaalidihii ugu dambeeyay ee xaaladda dalkaasi xilli militariga ay la waregeen xukunka.

zayn al caabidiin

Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Suudaan, Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin.

Waxaa uu sheegay in madaxweynihii xilka laga tuuray Al Bashiir uu hadda gacantooda ku jiro.

“Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yiri Cumar Zeyn Al Caabidiin.

Waxaa uu intaasi ku daray in muwaadin kasta oo reer Suudaan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militariga ay hayaan awoodda dalka.

Waxaa uu u sidoo kale sheegay in mustaqbalka dowlad rayid ah oo timaadda inay go’aamada ay wax ka baddali karaan.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa ku eedeeysay Al Bashiir inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Source:-BBCsomali

COMMENTS