BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo ay Ku Adkaatay Xal U Helida Khilaafka Axsaabta Iyo Komishanka
April 23, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa muddo sanad iyo badh ah oo uu hayo taladda dalka wuxuu la ildaranyahay xal u helida khilaafka soo noqnoqday ee komishanka iyo axsaabta waxaanu ilaa hadda ka warwareegaysaa inuu sameeyo tanaasulkii madaxwaynenimo isagoo ilaa iyo hadda aan laga hayn doorkii madaxwayne nimo marka laga yimaado kooxaysi uu ka dhex wado axsaabta somaliland oo qaar la heshiiyo
madaxwayne biixi

waxa markii 5-aad mudadii uu madaxwayne biixi taladda dalka hayay fashilmay wadahadalo u socday axsaabta iyo xukuumadda waxaana wax tanaasul laga waayay madaxwaynaha oo ay ahayd inuu tanaasulo cabashadda axsaabtana dhagaysto

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaan lagu aamini karin hogaaminta umadda somaliland maadaama oo aanu u qalmin inuu umadda sii hogaamiyo isagoo ku fashilmay qaar kamida hawlihii ugu fududaa ee madaxwayne looga baahnaa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS