BALIGUBADLE MEDIA
Maalqabeen Saddex Wiil Ku Waayay Qaraxyadii Sri Lanka
April 23, 2019 - Written by admin

Saddex kamid ah afarta canug ee uu dhalay maalqabeenka u dhashay Denmark ee Anders Holch Povlsen ayaa ku dhintay qaraxyadii Axadii lala beegsaday dalka Sri Lanka, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay bilyaneerkaasi.

Qoyska ninkaasi maalqabeenka ah ayaa xilliga ay qaraxyada dhacayeen booqasho ku joogay dalka Sri Lanka. Magacyada carruurta dhimatay ayaan la shaacin.

maalqabeen
Mr Holch Povlsen ayaa leh dukaamada caalamiga ah ee lagu iibiyo dharka ee Bestseller. Waxa uu sidoo kale saamiga ugu weyn ku leeyahay shirka dharka ee Asos, iyadoo wargeyska Times uu sheegay in ninkan uu yahay shakhsiga dhulka u badan ku leh UK.

“Waxaa nasiib darro ah inaan xaqiijinay wararka ku aaddan geerida carruurta,” ayuu yiri afhayeen u hadlay dukaamada Bestseller oo email ugu soo jawaabay BBC. “Waxaan idin ka codsaneynaa inaad ixtiraamtaan qoyska, faahfaahin intaa dheerna idin ma siin karno.” ayuu intaa raaciyay.

Waxaa la xaqiijiyay in 290 qof ay ku dhinteen qaraxyadii sideeda ahaa ee Axadii lala beegsaday kaniisadaha iyo huteellada lagu raaxaysto ee Sri Lanka. Booliska ayaa xiray 24 qof, balse ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarradaasi.

Waxaa la rumaysan yahay in inta badan dadka ku dhintay weerarrada ay yihiin muwaadiniin Sri Lanka u dhashay, gaar ahaan dad Kiristaan ah oo xilligaasi ku sugnaa kaniisadaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in 36 qof oo ajaaniib ah ay kamid yihiin dadka dhintay, kuwaasoo intooda badan aan weli meydadkooda la aqoonsan.

Waxaa kamid ah:

Ugu yaraan sideed qof oo u dhashay Britain, laba kamid ahna ay sidoo kale haysteen baasaboorka Maraykanka

Saddex u dhalatay Denmark

Qof Bortaqiis ah, iyo lix Hindi ah

Laba injineer oo Turki ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu

Laba muwaadin oo Shiineys ah, sida uu sheegay wargeyska China Daily

Laba qof oo Australia u dhashay, sida uu sheegay ra’iisal wasaare Scott Morrison

Qof u dhashay Netherlands

Qof Japan u dhashay sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalkaasi

Xigasho: Bbc

COMMENTS