BALIGUBADLE MEDIA
Itoobiya iyo Rwanda oo Iska Kaashanaya Horumarinta Dhallinyarada
April 24, 2019 - Written by admin

Itoobiya iyo Ruwanda ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan horumarinta Dhallinyarada. Wasiirka Dhallinyarada Ruwanda Rosemary Mbabazi ayaa magaalada Kigali ee caasimadda Ruwanda ku qaabilay Wasiirka Dhallinyarada Itoobiya Mrs. Yelem Tsegay oo booqasho ku tagtay Ruwanda.

news1
Waxay labada Wasiir ka wada hadleen sidii loo fulin lahaa qoddobo badan oo ay hore ugu heshiiyeen labada Wasaaradood ee Dhallinyarada ee dalalka Ruwanda iyo Itoobiya.

Waxa kaloo labada dhinac isku waafaqeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa danaha da’yarta labada dal Ruwanda iyo Itoobiya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS