BALIGUBADLE MEDIA
Hogaamiyihii afgambigii Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo iscasilay
April 13, 2019 - Written by admin

Madaxa golaha milateriga ee Suudan ayaa xilka banneeyay maalin un kaddib markii uu hogaamiyay afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.

ibu cawf
Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha.

Xil ka tuurista Mr Bashiir ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Diseembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay. Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay intii ay dibadbaxyadu socdeen.

Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.

Dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Khartuum ayaa debaaldegay markii uu xilka banneeyay.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan, kaas oo si weyn uga soo shaqeeyay in dibadbaxyadu ay dalka ku baahaan, ayaa sheegay in g’aanka Mr Ibn Cowf uu xilka ku banneeyay uu yahay mid “taariikhi ah” oo u soo hoyday dibadbaxayaasha.

Dibadbaxayaashu waxa ay dalbanayaan in xukuumad madani ah xilka lagu wareejiyo ka hor inta aanay guryahooda ku laaban.

Xigasho Bbc Somali

COMMENTS