BALIGUBADLE MEDIA
Faahfaahinta Kulan Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Waddani La Yeeshay Wasaarada Arimaha Dibada Ingiriiska
April 12, 2019 - Written by admin

Xoghayaha Arimaha Debadda Xisbiga WADDANI Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo uu weheliyo guddoomiyaha xisbiga

ee Dalka Ingiriiska Maxamed Cali ayaa kulan la qaatay wasaaradda arrimaha debadda ee Ingiriiska.

faadumo siciid

Marwo Faadumo ayaa u qaybsamaha Somaliland iyo Somalia ee wasaaradda arrimaha dibadda kala hadashay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin aqoonsiga Somaliland, arrimaha doorashooyinka, xaaladda xuquuqal iisaanka iyo arrimo kale.

ff

Marwo Faadumo ayaa sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska gaadhsiisay falkii xukuumadda Somaliland ku qafaalatay gaadhiga guddoomiyaha xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ” Waxaanu kala hadlaynay baabuurkii iyo haddidaada xisbiga lagu hayo ee xataa baabuurkii guddoomiyaha lagu qaatay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Faadumo.

Waaxda War Faafinta ee Xisbiga WADDANI

Hragysa-Somaliland

COMMENTS