BALIGUBADLE MEDIA
Erdogan oo Guuldaro Kala Kulmay Doorashooyin Dhacay
April 1, 2019 - Written by admin

Xisbiga madaxweyne Rajab Erdogan ayaa ku guuldaraystay doorashooyinka dowladda hoose ee magaalada caasimadda ah ee Ankara, halkaas oo uu ku guuleystay xisbiga mucaaradka ugu weyn CHP.

Xisbiga Erdogan iyo kan mucaaradka ayaa sidoo kale labaduba sheegtay in ay ku guuleystay maamulka magaalada ugu weyn ee Istanbul

Hase ahaatee xisbiga AKP ee Erdogan ayaa la sheegay in 51% uu heley codadka

news1

Doorashooyinkan ayaa yimid xilli ay dalkaasi ka jirto dhibaato dhaqaale oo soo food saartay.

57 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka dowladaha hoose oo lasoo dooranayo duqeyda magaalooyinka iyo xubnaha goleyaasha deegaanka.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in musharaxa xisbiga CHP Mansuur Yavas uu ku guuleystay duqa magaalada Ankara.

Hase yeeshee magaalada Istanbul ayaa weli la iska lushaa, iyada oo labada dhinacba ay guul ku naaloonayaan maadaamaa natiijada ay aad isugu dhowdahay.

Doorashadan ayaa waxaa loo arkaa in ay tijaabo u tahay hoggaanka Erdogan oo markii koowaad duqa magaalada Istanbul loo doortay sannadkii 1994-tii, wixii markaas ka dambeeyayna sannad kasta guul cusub ka gaarayay doorashooyinka.

Waxa uu Erdogan sheegay in uu diirada saari doono arrimaha dhaqaalaha oo aad looga deyrinayo, ahna moowduuca ugu weyn ee doorashooyinka lagu galay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS