BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland
March 20, 2019 - Written by admin

xukuumadda somaliland ayaa goor aan sii fogayn xabsiga u taxaabtay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta somaliland kaas oo isagu todobaadkan iska casilay xilkii uu ka hayay wasaaradda warfaafinta iisagoo is casilaadaas ku sifeeyay xaalad caafimaad awgeed

aan

madaxwayne biixi ayaa is casilaadda masuulkan aqbalay isagu balse maanta ayaa xabsiga loo taxaabay masuulkan ilaa hadda ma jiro war rasmiya oo lagu faahfaahinayo  xadhiga masuulkan balse wararka qaar ayaa sheegaya inay tahay arrimo musuqmaasuq iyadoo dhawaan hanti dhawrku madaxwaynaha u gudbiyay maxsuulka baadhistii ay ku sameeyeen wasaaradaha warfaafinta, duulista iyo hawadda iyo sidoo kale dawladda hoose ee hargeysa

waxaanaynu ka war sugaynaa in baadhistu saamayso masuuliyiin kale

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS