BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Madaxwayne Biixi oo Muwaadiniinta Somaliland U Kala Abtirinaysa + Cadaaladdii oo Meesha Ka Baxday
March 21, 2019 - Written by admin

Madaxwayne biixi ayaan wali ka hadhin siyaasadii kooxaysiga iyo qabyaaladda ku salaysnayd ee lagu yaqaanay wakhtiyadii hore ee jabhadda waxaana tan iyo intii uu taladda dalka qabsaday soo shaac baxaya cadaalad darro baahsan oo dadka muwaadiniinta ah lagula kacayo iyadoo loogu kala hiilinayo muwaadiniin isku dambi ah kuwaas oo qaarna sifo qabali ah lagu sii daynayo qaarna sifo beelaysan lagu sii haysanayo waxaana ugu dambaysay talaabada uu isla maanta madaxwaynuhu ku kacay taas oo uu ugu kala eexday laba masuul oo isku kiis ah kaas oo qaarna lasii daayay qaarna xidhanyihiin.

news

waxa xabsiga saaka laga sii daayay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta iyadoo uu xidhanyahay agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaaradaasi waxaanay arintani muujinaysaa sida xukuumadda muuse biixi ugu kala abtirinayso muwaadiniinta somaliland arintan oo gaf iyo meel ka dhac ku ah qawaaniinta iyo dawladnimadda la sheego inay ka jirto somaliland

si kastaba ha ahaatee agaasimaha lasii daayay ayaa la sheegay in lagu sii daayay damiin kadib markii la sheegay in xaalad caafimaad hayso halka culimo jeelasha ku xidhan oo xanuunsanaya xukuumadda madaxwayne biixi diiday inay sii dayso arintaas oo muujinaysa sida muwaadiniinta somaliland loogu kala abtirinayo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS