BALIGUBADLE MEDIA
Xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan Sunne oo Laga Dayrinayo Iyo Xukuumadda oo Diiday In Xaaladiisa Caafimaad Lala Tacaalo
March 2, 2019 - Written by admin

sheekh aadan cabdiraxmaan warsame aadan sunne oo kamid ah culimadda reer hargeysa ayaa xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa sida ay maalintii shalay bogeeda facebuuk ku baahisay gabadh uu dhalay oo lagu magacaabo macsuun sheekh aadan taasoo sheegtay in aabaheed ay dilaacday xundhurta caloosha oo ay habeenkii la qabanayay ciidanka RRU-du dhaawac ka gaadhsiiyeen.

sheekh aadan sunne

dhanka kale wararka xaaladda caafimaad ee sheekha ku saabsan ayaa sheegaya in xukuumadda somaliland ka dhaga adaygtay in lala tacaalo xaaladda caafimaad ee sheekha arintaas oo dareen wayn dhalisay

si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha somaliland kornayl biixi ayaa ka dhaga adaygay baaqyo kala gadisa oo kaga imanayay bulsho waynta caasimadda kuwaas oo dalbanayay sii daynta sheekha waxaana laga cabsi qabaa in kacdoono shacbi oo lagaga soo horjeedo arintani ka istaadhmaan caasimadda hargeysa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS