BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Barnaamijka Casriyeynta Caasimada
March 12, 2019 - Written by admin

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiinta Shirkadda gacanta ku haysa barnaamijka Casriyeynta Caasimadda ee GEOSOL iyo khubaro Ajanabi ah oo mashruuca diyaarintiisa iyo fulintiisa ba qeybka ah.

gis

Kulanka wasiirka iyo shirkadda oo u jeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi ku saabsan mashruuca CASRIYEYNTA CAASIMADDA wakhtiguu soo bilaabmay, shaqooyinka mashruucu ka qabanayo DHH, ilaa imika waxa u qabsoomay iyo qorshayaasha mustaqbalka dhaw iyo ka fog ba. Waxaana masuuliyiinta shirkaddu siiyeen xog iyo macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan heerarkii kala duwanaa ee uu mashruucu soo maray. Nidaamkan GIS ee shirkaddu waddo oo Somaliland ka dhigaya dalka labaad ee Afrika laga isticmaalo, waxaa kaliya oo ka horeeya Dalka Rwanda taasina ay dal ahaan iyo caasimad ahaan ba sharaf weyn inoo tahay.

Mashruucan Casriyeynta caasimadda oo uu daah-furay Madaxweynaha JamhuuriyaddaSomaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi 26.03.2018-kii, diyaarintiisa iyo hir-gelintiisana uubilaabmay bishii May ee sannadkii hore. Waxaa kale oo uumashruucani ka caawinayaa Dawladda hoose ee Hargeysa hagaajinta nidaamka magaalooyinkaee loo yaqaanno GIS oo u sahli doonta in si sahlan ay u adeegsadaan wasaaradaha ay ka mid tahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu oo uu si gaar ah uga caawinayo URURINTA CASHUURAHA kala duwan ee ay qabato wasaaraddu si dakhliga wasaaaradda iyo qaranku ba uu si weyn ugu kaco dhawrka sanno ee soo socda. Sidoo kale waxaa mashruuca ka faaiidaysana dhamaanhay’adaha kale ee dawliga ah ama gaarka loo leeyahay iyo dhamaan adeeg bixiyayaasha aas-aasiga ah sida,laydhka, biyaha, tilifoonada iyo is-gaadhsiinta sida ZIP CODE, POSTAL CODEoo qofka qurbaha joogaa uu si fudud ugu soo diri karo alaabo,

Mashruucu wuxuu wasaaradda Maaliyadda ka caawin doonaa sida ugu dhakhsaha badan ururinta cashuuraha iyo tirikoobka ganacsiga IWM.

Wasiirka Wasaarradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad iyo shirkaddu waxay si weyn u faaqideen muhiimadda uu mashruucani u leeyahay guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan caasimadda oo ay imika ka hawlgalaan muddo imika sannad laga joogana ay fulinayeen mashruuca iyo ujeedooyinkiisa. Waxaa kale oo lagaga wada hadlay kulankan muhiimka ah sida nidaamka POSTAL CODE-ka ee uu mashruucu hirgelintiisa gacanta ku hayo ay uga caawin karto korodh ku yimaadda dakhli ururinta Dawladda dhexe iyo Dawladda hoosa ba, iyadoo ay cashuur-qaadayaasha labada dhinac ba ay isticmaali doonaan nidaamkaas postal code ah oo meherad, xaafad iyo xafiis walba siin doona number iyo tirsi u gaar ah. Waxaa sidoo kale shirkaddu ay wasiirka faham fiican ka siisay DOORKA NOOTAAYOOYINKU ka qaadan karaan nidaamkan casriyeynta caasimadda iyadoo la isla gartay si fiican na la iskula fahmay inay nootaayooyinku yihiin hay’addo gacan weyn siiya hay’adaha sharci ee uu dalku leeyahay. Wada-shaqeyn dhaw oo dhex marta nootaayooyinka iyo Dawladda Hoose waxay keensanaysaa in ay yaraato khilaafaadka dhulka iyo muranada joogta ah ee ka dhex-taagan shicibka dhexdiisa.

Ugu dambayntii Wasiirku wuxuu si weyn u soo dhaweeyay barnaamijkan casriyeynta caasimadda sheegayna in haddii sida uu yahay looga faaiidaysto wax badan uu ka caawin doono wasaarad ahaan, dawlad hoose ahaan iyo qaran ahaan ba, shirkadana wuxuu ku booriyay inay dadaalka halkaa ka sii wadaan wixii gacan iyo taageero ah na uu la garab taagan yahay. Wasaarad Maaliyad ahaanna iyo wasaarada ha kale ba ay ka faaiidaysan doonaan sida Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo wasaaradaha bixiya adeegyada aas-aasiga ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda GEOSOL

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS