BALIGUBADLE MEDIA
Taageere Lagu Xukumay Ganaax Isugu Jira Xabsi iyo Xayiraad 10 Sano
March 13, 2019 - Written by admin

aageerihii dhawaan weerarka foolxumada ah u geystay xiddga kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa si rasmi ah loo xukumay iyadoo ganaax culus oo dhinacyo badan taabanaya lagu abaalmariyay.

brm

Taageerahan oo ah 27 jir lagu magacaabo Paul Mitchell oo ka soo jeeda degmada Rubery Worcestershire taageerene u ah kooxda Birmingham ayaa garoonka si ulakac ah usoo galay isaga oo toos u weeraray Grealish oo uu madaxa qaybtiisa dambe feedh kaga dhuftay.

Mitchel ayaa ugu horreynba lagu xukumay inuu xabsiga ku jiri doono mudo 14 toddobaad ah si lamid ah bixin doono lacag dhan 350 euro waxaana intaa u dheer in aannu garoomada kubadda cagta England ka xaadiri karin mudo toban sanno ah.

Dhacdadan ayaan ahayn mida kaliya ee toddobaadkan ka dhacday garoomada England balse waxa sidoo kale jirtay in taageere Arsenal ah uu soo galay garoonka kulankii Man United isla markaana uu kala tuuray daafaca United ee Chris Smalling.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS