BALIGUBADLE MEDIA
Suldaan Madaxwayne Mustafe Cagjar Ku Eedeeyay Inuu U Kala Abtirinayo Bulshada Deegaanka Somalida
March 14, 2019 - Written by admin

Suldaan Cabdiraxmaan Cabdullahi Aw Good Oo Ka mid ah madax-dhaqameedka waawayn ee somaliland ahaana guddoomiye ku xigeenkii shir-guddoominayay shirkii beel-waynta direed ku qabsadeen maagaladda Addis Abba ayaa sheegay in madaxwayne Mustafe Cag-jar ay ka hoostay.

Suldaanka ayaa sheegay in madaxwaynahu beel-waynta direed ee ku dhaqan dawlada deegaanka somalida ku sheegay dad aan deegaanka u dhalan,waxaana uu suldaanka hadalka madaxwayne mustafe Cag-jar ka bixiyay xaal.

“Anigu Waxaan ahaa guddoomiye ku xigeenkii shirkii beelwaynta direed ee lagu qabtay dalka itoobiya shirkaasi waxa uu ahaa shir ay iskugu yimadeen beelaha direed waxaana ay iskugu yimadeen sidii ay danahooda uga tashan lahaayeen,shirkaasi waxa uu mid dhaqan lakiin mustaq-balka kama madhnaan doonto siyaasadi,lakiin hadda ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii ay beeshu u tashan lahayd si looga shaqeeyo deegaanadda beelaha direed dagaan oo dhan si nabad galiyadooda hadii wax iyaga ka dhaxeeyaan nabadooda looga shaqeeyo.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Bulsho Tv

Intaas waxa uu ku daray suldaanku isaga oo hadalkiisa siiwata.”Anagu Manaan Arag Axmed Shide lakiin axmed shide waa nin beel-waynta direed ka mid ah oo dawlada fadaraalka itoobiya ka mid ah wax qaban-qaabo oo uu shirkaasi ku lahaa majirto,waxaanan filayaa waxa beeshu shirkaasi ka qabto ayuu isna ka qabaa kolayna waxa abaabula iyo dabo uu naga riixayay midna majirto dad gaar ah iyo ganacsato ayuunbaa hawsha wadday.

Suldaanka waxa uu fariin u diray madaxwaynaha Dawladda deegaanka somalida itoobiya.”Kolay madaxwayne mustafe Cagjar waa nin yar oo xilkana ku cusub waxaanan anigu u arkayay diidmadda uu shirkaas ku sameeyay isagu in ay ahayd mid isaga ka hoostay lakiin dawlada deegaanka somalida waxa dagan qabiiladda somalida oo dhan,dadka halkan iskugu yimid inuu deeda-feeyo oo dad aan meesha u dhalan ku sheegin oo uu ka boodo midna munaasib may ahayn oo dadkii uu madaxda u ahaa ayaa meesha ku shirayay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS