BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Qarka U Saaran Dagaalo Beeleedyo Ka Istaadhma Iyo Beelihii Hargeysa oo Iskugu Soo Dhuuntay Shaadh Dawladeed
March 31, 2019 - Written by admin

somaliland oo 28 jirsatay sanadkan ayaa qarka u saaran inay gabi ahaanteedba colaado sokeeye ka istaadhmaan kadib markii qaar kamida beelihii reer hargeysa iskugu soo dhuunteen shaadh dawladeed islamarkaana ay fara farayn ku hayaan qaar kamida ganacsatadda waawayn ee dalka kuwaas oo ay shaadh dawladeed ku doonayaan inay ku boobaan hantidiisa arintan ayaa la yaab ku noqotay cid kasta oo maqashay waxaanay taasi keentay inay dareen cadho leh muujiso beeshii kale ee shaadka dawladeed loo adeegsanayay

madaxwayne muuse

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaa lacag malaayiin dolar ah oo uu ka soo qaatay madaxwayne geelaha jabuuti ku doonayo inuu ku khal khal galiyo amniga iyo xasiloonida dalka taas oo aan ahayn wax la aqbali karo islamarkaana hadii kornayl biixi ku sii adkaysto keeni karta isku dhac beeleed oo dhex maray beelaha shaadhka dawladeed iskugu soo dhuunta

si kastaba ha ahaatee arintan ayaan la saadalin karin halka ay ku dambayn doonto

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS