BALIGUBADLE MEDIA
Qaramada Midoobey oo 19 Shaqaalaheeda ah Ku Weyday Burburka Diyaaradii Ethiopian Airlines
March 11, 2019 - Written by admin

War ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 19 ka mid ah shaqaalaheeda ay ku dhinteen burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee bur burtay maalintii shalay.
antonio
Hay’adda cunada aduunka ee WFP ayaa waxaa shilka diyaaradeed uga dhintay 7 ka mid ah shaqaalaheeda, xafiiska qaxootiga UNHCR Labo shaqaale ah ayaa uga dhitay shilka, halka Ururka caalamiga ah ee Isgaarsiinta dunida ITU burburka diyaarada ay uga dhinteen tiro la mid ah.

Hay’addaha FAO, IOM iyo waliba xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey waxaa burburka diyaarada Ethiopian Airlines uga geeriyooday min hal shaqaale ah.

Lix shaqaalaha xafiiska Qaramada ee Nairobi (UNON) ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay burburka diyaarada sida lagu sheegay warka ka soo baxay Qaramada Midoobey.

Dad ka kala socda ilaa 35 dowladdood ayaa la sheegay in ay ku dhinteen burburka diyaarada, iyadoo tirada ugu badan dadka dhintay ay u dhasheen Kenya oo ka geeriyoodeen 32 ruux.

Waxaa sidoo kale dadka dhintay ka mid ahaa 18 u dhashay dalka Canada, Sagaal Itoobiyaan ah iyo waliba Siddeed Ameerica ka soo jeeday.

Soomaaliya waxaa waxaa la sheegay in uu hal qof oo kaliya kaga dhintay burburka diyaarada sida ku cad liiska Jinsiyadaha ay ka soo jeedeen dadka ku dhintay diyaarada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS