BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Biiray Madaxda Caalamka Ee Ka Hadashay Weerarkii Ka Dhacay New Zealand
March 16, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay wadanka New Zealand.

madaxwayne farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal rasmi ah soo saaray ayaa ku biiraya madaxda caalamka ee si weyn u cambaaraysay weerarkaasi.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa dhambaal tacsi ah ugu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:-

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay Magalada Christchurch, ee dalka New Zealand, kaas oo loo geystay dadka muslimka ah ee cibaadeysanayey, waxaana ku garab istageeynaa dowladda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta sidii ay uga gudbaan dhibaatadaas.Waa inaanu midownaa argagixisada dhammaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS