BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe Iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Maanta Gaadhay Magaalada Muqdisho
March 25, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, Waxaana Garoonka Diyaaraddaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ,Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan.

axmed madoobe

Axmed Madoobe iyo Wafdigiisa oo maalmo joogaya magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay guri ku agyaala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halka markii hore marka uu Muqdisho yimaado degi jiray xarunta Nabad Sugida.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inta uu magaalada Muqdisho joogo la kulmo madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in la dhameenayo heshiisyo si hoose u gaareen Dowlada federaalka iyo Hogaamiyaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa mudo dhowr bil ah aan imaan magaalada Muqdisho kadib markii shir ka dhacay magaalada Kismaayo maamul goboleedyada ku shaaciyeen in xidhiidhka u jareen dowlada federaalka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo dhowaan tagay magaalada Kismaayo ayaa kulamo Midho-dhal ah la yeeshay Masuuliyiinta Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe Munaasibadii ugu dambaysay ka sheegey inuu muqdisho tegi doono, Islamarkaana uu Madaxwayne farmaajo kulamo la yeelan doono.

Madashii maamul Goboleedyadda ayaa meesha kabaxday Kadib markii Xilalka laga tuuray C.wali Gaas iyo Shariif Xasan, Sidoo kalana Madaxwaynaha Hirshabeelle uu Heshiis la galay DF-Somalia, waxaana hada meel-cidlo ah kusoo dhacaya Madaxwaynaha maamulka Galmudug oo Weli Halkii ka wada Dhaliilaha uu Dawladda dhexe u jeediyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS