BALIGUBADLE MEDIA
Farmaajo Suurtagal Uma Ahan Inuu Gorgortan Ka Galo Kiiska Yaala Maxkamadda” Proff. Samatar
March 6, 2019 - Written by admin

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda. “Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah,” ayuu yidhi professorka.

cabdi samatar

Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto “shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya.”

Weli Soomaaliya iyo Kenya ayaan dib isugu celin safiiraddii u kala fadhiyay caasimadahooda, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi ay ku xiran tahay horumarka laga gaaro kulanka Arbaca dhici doona

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS