BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Somaliya oo Shaacisay Diyaarado ay Hawadeeda Ka Mamnuucday
March 13, 2019 - Written by admin

Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday diyaarado ay ka mamnuucday inay ka soo dagaan garoomada kala duwan ee dalka.

news

War ka soo baxay hay’adda duulista soomaaliya ayaa lagu sheegay inaanay garoomada ka soo dagi Karin diyaaradaha duugoobay ee lagu sameeyey wadamadii la odhan jiray midawgii Soofiyati.

Sidoo kale warka ayaa intaas raaciyey in garoomada diyaaradaha ee dalka laga mamnuucay diyaaradaha loo yaqaano Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Dawlada soomaaliya ayaa diyaaradahan ku wargelisay inay soo gaba gabeeyaan isticmaalka hawadeeda inta ka horaysa 15-ka bisha March iyada oo wixii ka dambeeyana aan la aqbali doonin inay ka sii hawl galaan hawada soomaaliya.

Diyaaradan ayeey ku sheegtay dowladda Soomaaliya in aysan amaan aheyn, islamarkaana yihiin kuwo duq ah oo muddo dheer la soo isticmaalayay.

Toddobaadkan ayeey aheyd markii ay ku dhinteen 157 ruux diyaarada Ethiopian Airlines, oo lagu sheegay in ay aheyd diyaarad dhowr bilood oo kaliya shaqeyneysay oo cusub, waan tan keentay in dowladda shaki badan ka qaado diyaaradahan ay mamnuucday oo ah kuwo gaboobay oo muddo dheer la soo isticmaalayay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS