BALIGUBADLE MEDIA
Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Madaxda Afrika U Tilmaamay Caqabadaha Ragaadiyay Dalalka Afrika
February 10, 2019 - Written by admin

xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha wadamada Midawga Afrika inay dareen gaar ah siiyaan qaxoontiga.

antonio

Xoghaye Antonio Guterres oo ka hadlayey shir jaraa,id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Addis Ababa  gudoomiyaha midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda Afrika ee ku shiraysa Itoobiya ay diirada saaraan waxyaabaha sababaya tahriibka dadkooda.

Antonio Guterres ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la hubiyo dariiqada lagu joogtayn karo horumarka Afrika  iyo sidii wada hadal iyo nabad buuxda loogu soo  afjari lahaa khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka.

“inta ugu badan tahriibayaa waa Afrika, tirada ugu badan ee dhibanayaashuna waa qaar sifo sharci daro ah ugu socdaalaya qaarada yurub iyo wadamo kale kuwaas oo ka gudbaday badaha” ayuu yidhi xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Guterres kaas oo  sheegay in wadamada Afrika ay dhibaato ka soo gaadhayso isbadalka cimilada iyaga oo aan qayb ka ahayn kulaylka aduunka ku sii kordhaya.

Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada Midoobay waxa uu soo dhaweeyey dib u heshiinta wadamada Itoobiya Iyo Eritrea iyo heshiiska nabadeed ee laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed ee ka jiray wadanka Koonfurta Suudaan, waxaanu xusay in heshiisyadii ay muujinayaan dabaysha rajada ee ka socota meelo kala duwan oo ka mid ah qaarada Afrika.

Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ayaa sheegay in hada la eegayo wadda hadalada dhexmaraya Jabuuti Iyo Eritrea iyo dib u heshiisinta soomaaliya iyo Eritrea kuwaas oo uu xusay in wajiyadoodii ugu horeeyey ay qabsoomeen.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS