BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Kulmiye oo Ku Gacan Saydhay Soo Jeedin Kaga Timi Guddida Kala Reebista Axsaabta Siyaasadda
February 13, 2019 - Written by admin

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xbisga talada dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa ku gacan saydhay warqad yeedhmo ah oo ay  gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo asxaabta qaranku ay u yeedheen kadib markii uu dacwad xisbigu ka gudbiyay siyaasi Cabdi Cali oo xisbigaas laga caydhiyay.

cabdi cali iyo lagu shaqayste dheere

Axmed Cabdi-dheere ayaa sheegay in aanay awood ah u lahayn gudidu inay u gar naqaan xisbiga iyo xubnihiisa, waxaanu sida oo kale ka hadlay shirka golaha dhexe ee xisbigaas oo uu ku tilmaamay mid lagu buuxinaayo waxii xisbiga ka dhiman iyo damaciisa guddoomiyaha xisbigaas.

Axmed Cabdi Dheere oo la hadlaayay tilifishanka Eryal  Waxa uu ugu horayntii ka hadlay shirka xisbigu uu qabsanaayo“Dhamaan golahii dhexe wixii la buuxinaayay  iyo dadkii dhintay ee lagu badlaayay dadka kale arinkaas ayaanu ka shaqaynaa, shaqadayadiina way socotaa Allena waxaanu ka rajaynaynaa in ay si wanaagsan noogu qabsoomaan. Shirkani waa shirkii golaha dhexe maaha shir cid loogu cumaamadayo waxii ka dhinaa sharciyadayada ayuunbaanu ku buux buuxinaynaa, shiweynhii aanu qaban lahayn sanadkan ayuunbaanu dib ugu dhigaynaa.”

Waxa uu ka halday inuu xil u ordaayo shirkan dhexdiisa iyo in kale“jago aan doon doonayaa ma jirto laakiin damacu qof walba waa uu ku jiraa waana wakhtigeeda, maantana maaha maalintaan ka hadlaayay.

Waxa uu ku gacan saydhay yeedhistii xisbiga Kulmiye ay u yeedheen gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo asxaabta qaranka “ Dalkeenu shuruuc ayuu leeyahay baarlamaanku ansixiyay,xisbigu shuruuc ayuu leeyahay golaha fulintu ansixiyay,labaduba waxay dhigayaan qofka ku xad gudba xeer 14 qodobkiisa 29-aad shuruudaha uu kaga baxaayo qofku xisbiga ee uu xubinnimada ku waayayo. Gudida diiwaangalintu uma garnaqdo qof iyo xisbigiisa waxay u gar naqdaa xisbiga oo kala jabay oo ay qaybi ka baxday, hoggaanka xisbiga oo laysku haysto waxyaabaha ugu yaala xeer 14 waa kuwaas, maaha xubin ku gaftay iyo xisbiga inay u garnaqaan, shariyadaas ma haystaan ma jirto, waa wax noo dhaxeeya anaga iyo xubnaha.”

Isha Ku Hay Baligublemedia

COMMENTS