BALIGUBADLE MEDIA
“Xagay Salaadu Ka Xidhmi La’dahay? Dee Imaamkii Ayaan Weli Innoo Xidhin”Hogaamiye Xirsi”
February 8, 2019 - Written by admin

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddan Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay kulammo laba todobaad la yeesheen Safiiradda Ingiriiska Iyo Turkiga. Islamarkaanna wuxuu sheegay in kulamadaasi muhiim u ahayeen dalkeenna.
xirsi cali

“Kulankii Safiirada Uk iyo Turkey oo aan xiliyo kala duwan wiigan la qaadanay iyo Ololaha dunidu ugu jirto in aynu doorasho qabsano iyo sidii loo bilaabi lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo mar kale Dawlada Turkey-gu u tafaxaydatay in ay mar labaad isi soo hor fadhiisiso labada dawladood Somaliland iyo Somalia.

Labadan arrimoodba waa laba arimood oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, waa horumarinta nidaamka dawladnimo iyada oo la raacayo nidaamka aynu qaadanay ee Dimuquraadiyada oo ay tiirarkeeda ka mid yihiih doorashooyin xor ah oo xalaal ah inay ka dhacaan wadamada qaata nidaamka Dimuqraadiyada.

Arinta labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxay ka mid tahay albaabada aynu u mari karo madax banaanideena sidii aynu uga mid noqon lahayn dawladaha dunida, dadkeenuna u gaadhi lahayeen himiladoodii ay mudada dheer naawilayeen.

Waxaa ayaandaro ah in dunidu danteenii inoogu soo noqnoqonayso oo dawladeenii aanay illaa hada hogaanka u qaban arimaha muhiimka u ah qarankan. waxaaa is waydiin leh markaa Ma inagaa dunida u baahan mise dunidaa inoo baahan? Waxay ila tahay maanta inagaa u baahan, wayse dhicidoontaa maalin si way laynoogu baahdaa hadii aynaan horteed siqiirin.

Waa halkii sagaale’ e, “xagay salaadu ka xidhmi la’dahay? dee imaamkii ayaan weli inoo xidhin” oo miyay u xidhmi wayday talaw? Bal adba!

“wa bilaahi tawfiiq”

COMMENTS