BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirkii Arrimaha Dibedda Iiraan oo Is Casilay
February 26, 2019 - Written by admin

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in uu is casilayo, ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayuuna ku baahiyay ciwaankiisa Instagram-ka.

Wuxuu ka cudurdaartay shaqo ka fariisashadiisa.

javad zarif

Zarif ayaa door muhiim ah ka ciyaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee nukliyeerka ee sannadkii 2015kii, kaas oo dhex maray Iiraan iyo quwadaha caalamiga ah.

Balse mustaqbalka heshiiska ayaa shaki galay ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu joojiyay ku lug lahaan shihii heshiiskaas.

Xil ka tagista Zarif waxaa xaqiijisay wakaaladda wararka IRNA oo dawladdu leedahay, taas oo soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

59 jirkan ayaa wax ku

soo bartay Maraykanka wuxuuna shahaadada jaamacadda ugu sarraysa ee PhD ka haystaa shuruucda caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadda Denver.

Wuxuu horray u soo noqday dan jirihii Iiraan u fadhiyay Qaramada Midoobay, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda noqday sannadkii 2013, ka dib markii xilka madaxweynenimada loo doortay madaxweyne Xasan Rawxaani, kaas oo ballan qaaday in uu dad qunyar socod ah talada ku soo biirin doono.

Muxuu isu casilay

Ma cadda. Qoraalka uu soo dhigay Instagram-kana wuxuu ugu mahadceliyay dadka Iiraan iyo xukuumadda, balse wax sabab ah ma uusan raacinin iscasilaaddiisa.

“Waxaan raali galin ka bixinayaa in aan awoodi waayay in aan sii wado xilkayga, iyo wakhtigayga aana dhamaysan” ayuu ku soo qoray.

Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Instagram ayaa ka shaqaysa Iiraan balse qaar ka mid ah baraha kale ee wawayn ayaa laga xayiray dalkaas.

Ma cadda in madaxweyne Xasan Rawxaani uu aqbali doono iscasilaadda, inkastoo agaasimaha madaxtooyada uu diiday warar sheegaya in iscasilaadda laga aqbalay.

Zarif ayaa cadaadis kala kulmayay qolyaha mayalka adag ee dalkiisa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iiraan, kaas oo dhigaya in Iiraan ay dhinto hawlaheeda nukliyeerka.

Isniintii ayuu madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad magaalada Tehran kulan kula qaatay Ayatollah Ali Khamenei, balse dadka ka faalooda arrimahaas ayaa dareemay in Zarif uusan ka qayb galin kulankaas.

Iiraan ayaa ahayd dalkii ugu taageerada badnaa dawladda Suuriya intii ay colaadaha sokeeye socdeen, marka laga soo tago dalka Ruushka, booqashada uu Tehran ku tagayna waxaa loo arkaa in ay tahay middii koobaad ee Asad uu ku tagay tan iyo markii uu dagaalku billawday 2011.

Arrintan maxay uga dhigan tahay heshiiskii nukliyeerka?

Heshiiska la gaaray 2015 ayay dalalka Iiraan, Maraykanka, UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalku ku heshiiyeen in Iiraan ay yarayso hawlaheeda nukliyeerka iyadoo ku badalanaysa in cunaqabataynta laga dabciyo.

Balse madaxweyne Trump ayaa heshiis kaas ku tilmaamay mid qaabdaran, wuxuuna ku dooday in heshiiskaasi uusan sidii loo baahnaa u hirgalinin in Iiraan ay u dhinto hawlaheeda nukliyeerka iyo yaraynta arrimaha ay dibadda ka wado sida ku luglahaanshaha arrimaha Suuriya.

Sannadkii horana wuxuu ku dhawaaqay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiskaas, uuna dib ugu celinayo cunaqabatayntii.

Dalalkii kale ee heshiiska galay ayaase wacad ku maray in ay heshiiskaas sii wadi doonaan, Zarif ayaana guntiga u giijistay sidii uu heshiiskaasi u sii jiri lahaa.

Iiraan ayaa ku doodaysa in barnaamijkeeda nukliyeerku uu gabi ahaantiisuba yahay mid nabadeed, in ay heshiiska u hoggaansamaysana waxaa xaqiijisay hay’adda caalamiga ah ee arrimaha hubka halista ah la socota ee IAEA, taas oo sheegtay in Iiraan ay ka soo baxayso heshiiskii ay gashay.

Iiraan ayaa ka mid ah dalalka ugu saliid soosaarka badan adduunka, balaayiin doolaar ayaana ka soo gala shidaalka ay dhoofiso sannad walba, dhaqaalaheeda ayaa hoos u sii dhacaya, mudaaharaadyo waawayn ayaana dalka ka dhacay iyadoo ay dadku ka cabanayaan qiimaha maceeshada ee sii kacaysa iyo lacagtooda oo sii qiimo beelaysa

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka oo ka falcelinaya is casilaadda wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in siyaasadda Maraykanka ee Iiraan aysan “waxba iska badalin.”

Sources: BBC Somali

COMMENTS