BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka waxabarashada Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Muqdisho
February 4, 2019 - Written by admin

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

wasiirul tacliin

Wasiirka waxbarashada  waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.

Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.

Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah  xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw  labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.

Danjiraha dowladda  Turkiga Mehmet Yilmaz, ayaa warbixin iga siiyay sida dowladda turkiga ay mar walba diyaar u tahay gacan ka geysashada horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada.

Mehmet wuxuu  ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.

DowladdaTurkiga  waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay  dib u soo kabashada  dalka, waxaan u uga mahad celinayaa  danjiraha  dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS