BALIGUBADLE MEDIA
Wacad-furka Kulmiye ee Kornayl Biixi + Maxamuud Xaashi oo Beeshiisa Dhabarka Taabtay + Maxamed Kaahin oo Markale Lagu Guurayo.
February 24, 2019 - Written by admin

loolanka loogu jiro jagadda gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa meel adag maraysa taasoo la filayo in madaxwayne biixi dib loogu cumaamado gudoomiyaha xisbiga maalinta bari ah isniinta.

xaashi iyo kornayl muuse

wararka baligubadlemedia soo gaadhaya ee laga helayo shirka ayaa sheegaya in kornayl biixi beesha siilaanyo kaga baxay balantii gacan isku dhiibka gudoomiyaha xisbiga iyadoo taasi keentay in maxamud xaashi kulan uu la qaatay beeshiisa ugu sheegay in la gaadhay wakhtigii beela ahaan ay soo dhacsan lahaayeen gudoomiyaha xisbiga isaguna aanu kaligii u babac dhigi karin dawladda balse loo baahanyahay inay beel ahaa ka daba tagaan heshiiskii ay la galeen muuse biixi doorashadda kahor

arintan ayaa keeni kara qarax wayn oo ka dhex istaadhma gudaha xisbiga walaw wararka qaar sheegayaan in kornayl biixi markale qorsheeyay inuu ku guuro kornaylka ay saaxibka yihiin ee maxamed kaahin

si kastaba ha ahaatee madaxwayne kornayl biixi ayaa wali ku dhagan sidii uu noqon lahaa gudoomiyaha xisbiga arintaan oo aan la saadalin karin halka ay ku dambayn karto

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS