BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland ma guur guurto mana guhaadu ruux maalay…! Ladnayaystay inaad tidhaah lur iyo waa kuu lugooyo lillaaha lagu dhintaa….!
February 23, 2019 - Written by admin

Laba nin oo saxib ahaa ayaa waxay kala maqnaayeen in muddo ah. Kadib waxay iskaga hor yimadeen
meel wado ah. Markasay isku naxeen farxad darteed. Midbaa salaamay ninkii kale ee saxiibkii ahaa,
wuxuuna ku yidhi: “Saaxib ii waran”. Kii kale ayaa ugu jawaabay: “Nabad saaxib”. Markale ayuu ku yidhi:
“Saaxib Aabo iiga waran?”. Wuxuu isla markiiba xasuustay inuu Aabihii dhintay. Wuxuu is yidhi saxiibka
waad ka naxisee ubadal su’aasha…! Wuxuu yidhi “Saaxib Aabo wali ma xabaashii ayuu ku jiraa?”. Kii
kale ayaa gartay oo is yidhi saaxiibkaa waxba haka nixinee wuu qaldamee. Wuxuu ugu jawaabay:
“Saaxib mayee wuxuu u guuray xabaal ku xigata…!

saamiya
Anigu shakhsiyan waxaan ahay qof wadaniyadu ku dheertahay o waxaan garanaya qurbaha lagu
dhashu xanuunkeeda iyo qariibnimadeeda, waxaan garanayaa in markasta aad ka tahay qof ku
dheeraad ah laakin taa waxaan kaga baxaa mar kasta baahida iyo kalsoonida iyo taageerada aan qabo
una hayo dalkayga iyo dadkaygaba waligayna aana ku doorsaniynin wadan kale ama qurba nacas
danbe….!
Waxaan baryahan danbe layaabay dadkii qurbaha joogay ee laga rabay inay iyagu hormood u noqdaan
wadankoodi iyo bulshadoodi ayaa maalin walba iyo goob walba naxli iyo caadifad la fadhiya baraha
bulshada iyo qurbahaba…! Waa ayaan darro weyn runti aadna looga xumaadu in lakala saari kari waayo
Qaranka iyo Qurbaha ahamiyada ay qofkasta ku leedahay…..!
Waxaan ka sii yaabay dadkii ku dhashay dhulka hooyo ee iyaga o wayen qurbaha soo galay ayaa
maanta qarankoodi dhaawac iyo propogaandada ku haya baraha bulshada, o meel walba la fadhiya
Somaliland ma jirto iyo Somaliland looma dhama….! Waxaan leeyahay dadkaas waar ma qurbaha loo
dhanyahay haddaa…!
Waxaanu maanta qurbaha daganahay 27 sano waa intay Somaliland jirtay: Maxaad maanta dheertahay
qofka Somaliland dagan ama ku nool….!
– Waxaad dagantahay qurbaha 27 sano u wali magac kuma lihid gaar kuu ah kuu qalma u waxaad ku
diiwaan gashantahay ( Qaxoonti ) waddanka soo dagay walibana midab takuur lagugu hayo dhinaca
diinta, midabkaaga iyo jinsiyadaada….! Ama PHD hayso ama dhalashada ogu saraysa haysoo waxaad
tahay BIDOON…..!
– Waxaad dagantahay qurbaha 27 sano, cadaalada la sheego miyaad aragtay o aad maqashay…!
Caruurti ku dhashay ee ku kortay ayaa la yidhaada wadankaagi ku noqo macadal waa adiga o qof weyn
ku imid qurbaha….!
Walaalo qof waliba dalkiisa ayoo magac iyo sharaf ku leeyahayee, danta guud aan ka wada shaqayno
oo aan iska dayno caadifada beenta ah…! Anigu waxaan qiraya qabyaaldi ma jirto ee waxa jirta nolosha
inaan layso qoodhin, Somaliland nabada o ilaahay siiyay kuna mutaystay way u qalantay waanay u soo
halgantay ee qofki maanta ku soo toosay jirtitaankeeda taariikhda dib u raac guusheedana soo raac.
Haduu galabtaba xor yahay gayigii
Wallee ma gabee guullow mahadaa
Allow ku gargaar gayiga nabadoo
Dadkana garan sii lib iyo gobinnimo…!

Amb Samia Muse

COMMENTS