BALIGUBADLE MEDIA
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen iyo caloolyowgiisa. By Amir Bidde –
February 17, 2019 - Written by editor

Maalmahan dambe  wuxuu bilaabay Siyaasi Jamaal olole u ku qaaday bahda garsoorka Somaliland.  Isagoo aano gabowday qaba. Isagoo maanta mar kaliya dareemay in LABA  sano ka hor maxkamaddu uga eexatay guddoomiye Faysal. Waa siduu isagu qabo, wax caddayna looma hayo. Intii hore oo dhan muu hadal waayo hoggaanka Kulmiye ayaa u ballan qaaday buuro dahaba. Kulmiye wuxuu markaa lug ku lahaa khilaafka isaga iyo Faysal. Oo waqtigaa reerka ay labada musharrax ee Kulmiye iyo UCID  ka dhasheen may taageersanayn musharraxnimada Muuse ee Kulmiye. Xataa Suldaanka guud

ee Subeer Awal waa kii si cad uga soo horjeestay musharraxnimada Muuse.

Laakiin Muuse oo siyaasi gaboobay ah oo tan 1980′s ku jiray siyaasadda iyo hogaanka SNM ayaa markuu garowsaday inaanu doorashada ku soo baxayn hadduu musharraxa UCID yahay nin ay isku reer yihiin, wuxuu geed dheer iyo ku gaabanba u fuulay in Jamaal musharraxnimada waayo. Shaxdii Muuse ayaa hirgashay. Markii Jamaal laga takhalusay, ololihii doorashadan la qabiileeyey ee waddani ay siyaasiintii garxajis oo dhan ku biireen (xataa kuwii hore Kulmiye u ahaa, marka laga reebo in faro ku tiris ah) waxay keentay in Muuse tageero wayn helo, Suldaankii guudna tawbad keeno. Intaa shaxdaa lagu dul ciyaaray Jamaal hadal lagama maqal. Dadka qaar waxay yidhaahdaan lacag badan baa la siiyey.

Lacagtii uu sheegtay inuu geliyey UCID oo ay ka mid ahayd kharashyo aad u badan oo ku baxay safaradiisii is dabajooggaa ahaa ee dibadda. Iyo xoolo la yidhi waa xaal marin oo Suldaano gooyeen. Inay jireen ballanqaadyo siyaasadeed (jago sare) waa suuragal laakiin wax hadal haya lama arag. Waxa la ogyahay in isaga prof. Samatarba daaqadda laga saaray. Xero walba aqoonteeda dadka ku takhasusay ayaa loo daayaa. Prof. Samatar iyo Jamaalba waxa la tusay in siyaasad buug laga akhristo iyo ta waaqicigu inay kala fogyihiin. Adduunyada runta ihina ayna sidaa u qurux badnayn oo danaha shakhsiyeed iska hor imanayaan. Hanka  siyaasadeed iyo qabka qof ku jiraa u ka hor imanayo ta qofka kale, oo xeelado sumaysan iyo jallaafooyin hoose la isku dhigayo.

Jamaal hadduu leeyahay dareen siyaasadeed wuu fahmi kari lahaa in maalintaa la lahaa “subeer Awal” lagu guurayay, si yool siyaasadeed loogu gaadho. Fahan la’aantaa siyaasadda ee Jamaal waa ta keentay inuu Kulmiye noqdo xisbigii 3aad ee Jamaal si wayn oo maamuus leh loogu soo dhoweeyo, qaarkoodna u madax iyo musharrax ka noqday. Muddo yar dabadeedna u is arkay isagoo cidlo ka taagan. Waa inuu laba mid yeelaa inuu hankiisa hoggaamineed hoos u dhigo oo bal wasiirnimo ama  guddoomiye bank iwm ku mitido amaba inuu iskagaba hadho siyaasaddan u ku jahawareeray. Xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland (iyo kuwa dunida kaleba) rag baa iska leh aan laga tallaabsan karin. Raggaasi maaha kuwo xukun maxkamadeedyo ama shirar jaraaid wax lagu yeeli karo.

Runtu waa in UCID Faysal baa iska leeyahay. Waddani waa Cirro, oo imikana xilalkii waakan ku wada wareejiyey niman sidiisa wada dhukuran oo ay isku hayb yihiin. Cirrana meeshaa laga loodin maayo. Kulmiye Muuse iyo Saylici cidi u soo dhawaan mayso. Markaa in ururro siyaasadeed la furo mooyee kuwan ninkii is yidhaa waad la wareegi waa nin riyo ku jira.

Wa Billahi tawfiiq,

A. Amir Bidde
[email protected]

COMMENTS