BALIGUBADLE MEDIA
SHIRWEYNAHA GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE MA WAXA UU NOQON DOONAA MID SHAADH LEEG LOOGU SOO TOLAYO GUDOOMIYAHA XISBIGA EE XILIGAN?!!!
February 16, 2019 - Written by admin

SHIRKA XISBIGA KULMIYE EE BORAMA MA WAXA UU NOQON DOONAA MID SHAADH LEEG
LOOGU SOO TOLAYO GUDOOMIYAHA XISBIGA EE XILIGAN , MA WAXA KALE OO UU NOQON
DOONAA MID LAGU SOO DOORANAYO HORJOOGEYAAL DAACAD U AH GUDOOMIYAHA SIDII
CAADADA U AHAYD AXSAABTA ?
Jawaabaha su'aalahan waxa ka jawaabi doona wakhtiga , akhriste adiguna waad isku dayi kartaa in aad
aragtidaada ka dhiibato , hadii aad tahay dadka siyaasada somaliland aad ula socday sooyaalkeeda axsaabta iyo
habdhaqanka ay caanka ku tahay , waxa aan aaminsanahay in aad saadaalin karto waxa ka soo baxaya
shirweynaha golaha dhexe ee xisbul xaakimka kulmiye ku qabsanayo magaalo madaxda Gobolka Awdal ee
Borama dabayaaqada bishan February.
Xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbigii ugu cududa waynaa somaliland intii ka dambaysay geeridii madaxweynihii
labaad ee somaliland iyo aasaasihii xisbigii Udub Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariisto e, waxaana
isugu tagey wakhtigaa haloorkii iyo waxgaradkii reer Somaliland intoodii badnayd , haddaba waxa aad moodaa
in uu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayo.
Waxyaabaha hoos u dhaca keenaya sida aynu waayo araga u nahay waxa ka mid ah tartan la'aanta axsaabta
siyaasada somaliland dhexdooda ka jirta , waxaana tusaale nool inoogu filan madaxweynaha somaliland ee
hadda mudane Muuse Biixi Cabdi lagulama tartamin gudoomiyenimada xisbiga iyo murashaxnimadii
madaxweynaha ee xisbiga kulmiye gudihiisa , arinkani waa mid ka mid ah waxyaabaha asxsaabtu ay u waayaan
taageerada shacabka amaba ay dhici karto in xisbiguba ku burburo.
Arinkani waa kii ku keenay isaga oo KULMIYE xisbul xaakim ah oo waliba xisbigii somaliland ugu tunka
waynaa ah in uu cidhiidhi galiyo doorashadii ugu dambaysay ee somaliland xisbigii ugu da'da yaraa axsaabta
siyaasada somaliland ee WADDANI.
Waxaa hore inoo soo maray tusaaleyaal aynu aynu wax ka baran karno, kuwaasi oo uu ka mid yahay xisbul
xaakimkii hore ee somaliland ee UDUB halka uu ku dambeeyay iyo sida uu saaxada siyaasada uga baxay kuna
burburay, sababahan soo socda ee aan halka horena ku soo sheegay waa kuwa ugu waaweyn ee hanaanka
dimuqaradiyada iyo axsaabta siyaasada somaliland ku ah caqabadaha iyo koriin la'aanta ee hagaasiyey markii
aan in badan u raadinayey waxa ay u kori laadahay dimuqaradiyada iyo axsaabta somaliland iyo caqabadaha
haysta;
▪ Hadii xisbiga gudihiisa laga waayo tartan si xor ah oo dimuqaradi ah loogu dhex tartamo oo lagu kala calaf
qaado.
▪ Hadii aanay axsaabtu xeerarka iyo shuruucda u qoran raacayn oo aanu xisbiguna ahayn mid sharcigu si siman
u qabanayo hogaanka iyo xubnaha.
▪ Hadii aanay axsaabtu aheyn qaar gudahooga lagu kala aragti duwanaan karo oo la doodi karo la iskuna
ixtiraamayo kala duwanaanshaha fikirka iyo ra'yiga.
▪ Hadii aaanay axsaabtu noqon wax lawada leeyahay oo dadka ku jira iyo kuwa taageersani lexojelo kawada
haynin oo aanay u arkeyn hanti ay wada leeyhiin.
▪ Hadii aanay noqon axsaabtu qaar dhibta iyo dheeftaba ay wada leeyihiin xubnaha xisbiga iyo

taageerayashoodu haba la kala badsado e .
▪ Hadii aanay axsaabta siyaasada somaliland noqon qaar ay ka dhadhamayso oo ka muuqato waxii aynu u
samaysanay axsaabta siyaasada somaliland oo ahaa in lagaga baxo qoqobka iyo qabiilka oo la isku raaco
barnaamijyo iyo mabaa'dii.

Waxa ay dhamaantood noqon doonaan qaar hagaasa oo kori waaya waxaana ay madhalays ka dhigayaan
mustaqbalkii iyo hanaankii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatay, arimahan oo ah qaar aan inoo wanaagsanayn
oo rajadii umada iyo dalkaba wiiqaya..
Waxa dhacaysa hanaankii iyo nidaamkii aynu ku soo tacaynay 18 sano ku dhowaadka in uu inaga noqdo mid
inaga saariwaayey waxii aynu axsaabta siyaasada u samaysanay oo ay Somaliland ka dhaqaaqi waydo halkii ay
ka soo guurtay iyo in wax loo doorto qaabkii hore ee beelaha.
In badan oo horena aad baan wax uga qoray hadda na dib ayaan idiin xasuusinayaa ee axsaabta siyaasada
somaliland waa hanti qaranka Somaliland leeyahay, waxa ay u baahan yihiin in dhaqaale wanaagsan
miisaaniyada qaranka loogu darro si ay u noqdaan qaar koraya oo uu maamulkoodu iyo dhismahoogu uga
muuqdo ilaa heer tuulo.
Waxa ay ka mid yihiin axsaabta siyaasadu quruxda iyo muraayada uu qarankani isku daawado waxaana ay ka
mid yihiin rukunada dawladnimada iyo dimuqaradiyada amaba nidaamka doorashooyinka xorta ah ee ay
muwaadiniintu ku soo xulanayaan (5)sanadoodba hal mar hogaankii qarankan gadhwadeenka ka noqonayey,
hay'adihii shuruucda iyo xeerarka lagu shaqeynayo soo saarayey iyo adeegayaashii bulshada sida dawladaha
hoose oo kale.
Taladaydu waxa ay tahay in aan laga aamusin qalooca iyo waxkasta oo axsaabta siyaasada somaliland foolxumo
ku keenaya ilaa aynu gaadhayno ujeedooyinkii laga lahaa ee muhiimka ahaa, oo aanay inaga noqon qaabka ay
maanta u badan yihiin u eeg kaabad ama salaan kuraasida lagu gaadho ama lagu fuulo oo kaliya.
Aragtidii muwaadin
Muhammad Dhimbiil

COMMENTS