BALIGUBADLE MEDIA
Safarka Madaxwayne Biixi Muxuu Kaga Duwanyahay Safaradii Madaxdii Ka Horaysay Ku Tagi Jireen Adis-ababa ?
February 21, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed.

Madaxweyne Biixi, waxa madaarka ku qaabilay Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene, waxaana magaalada Addis Ababa loogu soo dhaweeyay si diiran.

muuse iyo aby ahmed
waxaanu madaxwayne biixi isla gabal dhicii shalay uu kulan kula qaatay xafiiskiisa raysal wasaaraha ethiopia aby ahmed
hada muxuu safarka madaxwayne biixi kaga duwanyahay safaradda madaxdii ka horaysay
ma jirto wax lagu sheego in safarka madaxwayne biixi kaga duwanyahay kii madaxdii hore ee somaliland la yeelan jireen raysal wasaare ethiopiana haday tahay raysal wasaarayaashii kala dambeeyay sida malez zanawi, haila marian deselenge iyo raysal wasaaraha hadda aby ahmed

balse madaxwayne biixi oo ku soo beegmay xilli jawiga siyaasadeed ee ethiopia isbedelay ayaa u muuqda mid guul wayn u arka safarkii ugu horeeyay ee uu la yeesho raysalwasaaraha ethiopia aby ahmed oo muddo sanad iyo saa’id ah raajicinayay.

kooxaha taageera madaxwayne biixi ayaa kulankan u samaynaayay wajiyo cusub balse waxa hubaala in dawladihii hore ee somaliland soo maray xaga dibloomaasiyadda kaga horeeyeen madaxwayne biixi oo ay muddo sanad ah ku qaadatay la kulanka raysalwasaaraha ethiopia

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS