BALIGUBADLE MEDIA
Muxuu Alle (SW) Kala Hadlaa Muruqan-Yar ?
February 23, 2019 - Written by admin

Khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada
caafimadku waxay sheegaan, in marka ay dhimato
maskaxadu uu qofku geeriyoodo, iyadoo ay inoo
muuqato kumanaan kun oo qof oo maskaxdoodii
dhimatay (Death brain), haddana nool oo uu sii
shaqeynaayo wadnahoodu iyo kumanaan kun oo kale
oo wadnahoodu joojiyey shaqadii uu qabanaayey oo
sidaasi ku geeriyooday, taasi waxay inoo cadeynaysaa
in aanay wax-aqoon ah u lahayn khubarad ku xeel-
dheer cilmiga barashada caafimaadka wadnuhu.
Haddaba, waxa isweydiin mudan, muxuu Alle (SW)
kala hadlaa Muruqan-Yar?

wadnaha

Waa muruq-yar oo leh sharaf iyo qurux, waxaana
quruxdaasi lagu tilmaamaa, fudeydka, rayraynta, raaxada, farxadda iyo deganaashaha laga dareemo marka uu
qofku sameeyo samo-falka, laakiinse, waxa murugo badan iyo degenaansho la’aan ku keena shaydaanka iyo falka
–xun ee uu qofku sameeyo, waxaana xannuun ku keena labada xannuun ee la yidhaahdo, shakiga iyo laba-
wajiileynta.
Muruqan-yar waxa la yidhaahdaa wadne, Alle’na (SW) waa Qalbi-jire, Qalbiguna waa kalmed af-caribaya oo
macnaheedu uu yahay wadnaha, wadnuhuna waxa uu leeyahay meel lagu keydiyo araga, maqalka iyo hadalka,
Damiirkuna waa fu’aadka, Fu’aadkuna waa kalmed af-carabiya
oo macnihiisu noqonayo, marka uu wadnuhu sameeynayo dareennada, farxada, warwarka, walaaca, hamada,
buuqa, cadhada, murugada iyo qiirada, rumeyntuna waa iimaanka, laabtuna waa sedriga, sedriguna waa kalmad af-
carabiya oo macnihiisu noqonayo laabta, waa kadinka ay ka soo baxaan araga, maqalka, hadalka, halkaas oo uu
kaga faaideysto sheydaanku.
“Indhaha qalbigaa ka eegmo fog, oo waxaanay arkeyn buu ogaadaa, “ Midhiihii Erayaddii Dhakhtar
Carabayto”
Muruqan yar waxa lagu qiyaasaa celcelis ahaan cabir miisaanka culeyskiisu gaadhayo 310-garaam oo culeys ah,
waxa ku yaala qolkiisa midig ee ugu sareeya unug yar oo ah dareen dabka-dhaliya, kaasoo sameeya garaaca uu ku
shaqeeyo wadnuhu ee afka qalaad loogu yeedho sinus node (pacemaker), waxaana lagu qiyaasa in uu halkii
daqiiqaba sameeyo garaac gaadhay 60-illaa iyo 100-jeer dadka waaweyn, marka uu joojiyo garaaca wadnuhu,
waxa dhamaan jidhka intiisa kale laga dareemaa qabow aad u badan, taasina waxay ina tusinaysaa in uu u xil-
saaran yahay sameynta kulka uu u baahan yahay jidhku aadamuhu.
Wadnuhu waa muquq-yar oo sameynaya dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq codeed oo ay ku duuban erayada dhawaaqa
baniaadamka ee afka qalaad loo yaqaano “Human Voice” codkaas oo wadajiraa marka uu ka soo baxa ee uu soo
gaadho laabta, waxa sii qaybiya hawada uu soo saaro sambabadu, waxa kale oo lagu qeexaa in uu leeyahay habka

koritaanka aqoonta, dareenka, hamiga, fahamka ,fikirka, xisaabtanka, jiheynta, go’aan qaadashada iyo ha’yadda
sirdoonka ee afka-qalaad loogu yeedho Cardio centric oo ku yaala wadnaha badhtankiisa.
Wadnuhu waxa uu leeyahay dareen afka-qalaad loogu yeedho “Heart nervous system” kaasoo fariimo u dira
maskaxda, waxaanu sii daaya dheecaacanka jaceylka loo yaqaan “love hormone” ee afka-qalaad loogu yeedho “
Oxytocin”, dheecaankaaasi maaha mid ahmiyad gaar ah u leh jaceylka oo kaliya, laakiinse, waxa kale oo lala
xidhiidhiyaa in uu ahmiyad weyn u leeyahay xiisaha, dareenka, waxa barashada, waayo-aragnimada, daaweynta
dhaawac’yada, keydka xussuusta, awooda dareenka fahanka iyo habdhaqanka dabeecada bulshada , gaar ahaan,
hooyooyinka nuujinaya iyo kuwo uurka leh.
Wadnuhu waa muruqa ku sii daaya dhiiga halbowlayaasha dhiiga xanbaara hawada, dheecaamada, macdamaha,
sida Tamarta “carbohydrates” nafaqada “ proteins” Fiitamiinada iyo macdamaha kale ee loogu tallo-galay unugyada
jidhku ay ku noolyihiin, waxaanu sii qaadaa walxo khashin ah isagoo ka saara jidhka, waxaanu illaaliyaa heer-kulka
iyo dheelitirka xajmiga awooda biyaha uu qaadanaayo maqaarka jidhku.
Jinkuna waxa uu raacaa dhiiga wadnaha, waxaan xusuustaa wakhti laga joogo ku dhawaad 13-sannadood ka hor,
mar la iigu yeedhay gabadh uu jin-galay, si aan ugu xidho dawada dareeaha macdanta ee loo yaqaano Dextrose 5%
oo loogu soo daray millan dawo dareere ah oo uu soo siiyey mid ka mid ahaa culimada cudurada nafsaaniga ah
dabiibaa.
Markii aan ku muday irbadii xididkii gacanta ee aan ku furay dawadii dareeraha ahayd, waxaan arkay dhiig kor u sii
raacaya tuunbadii dheerayd oo gaadhay badhtamaha laga xakameeyo hakinta iyo socodsiinta caagada dawada
dareeraha ahi ku jirtay.
Isla-markaana, waxaan isku dayey in aan joojiyo dareerihii, oo aan ka saaro irbadii ku jirtay xididka, waxaan ka sii
daayey dhiigii kor u raacay tuunbadaas, waxaan mar-labaad isku dayey, in aanirbadii raaciyo xididka gacanteeda
kale, waxaan mar-labaad arkay dhiigii oo kor u raacaya tuunbadii ku xidhnayd Sayloonka, waanan ka xidhay,
irbadiina waxaan ka saaray xididkii, anigoo haddana, ka sii daayey dhiigii raacay tuunbada, ka dib, waxaan weydiiyey
su’aal qof ka mid ahaa qoyskii gabadha, waxaanu ku idhi “ Ma jirtaa wax kale oo uu sheekhu yidhi”, ha’loo raaciyo
dawadan marka lagu mudaayo, waxay iigu jawaabtay “ Alla waxaan kaa illownay cajald quraanka oo uu sheekhu
yidhi ha’loo shido marka dawada lagu mudaayo”
Ka dib, markii lagu riday cajaldii quraanka ahayd cod-baahiyihii uu dhawaaqay, ayaan xididkii ku muday irbadii ee
aan ku furay dareerihii daawada ahayd, si fiican buu u qaaday daawadii dareeraha ahayd xididkii dhiigii wadnaha
gabadhii aan ku xidhayey daawada .
Tixraac: Quraanka Kariimka ah suuradaha iyo aayaadaha:- {Surah Al-Axsaab:33:26, Al-xaj : 53, Al- Baqra: 2: 7,
Al-Baqra: 2: 10, Al-Baqra: 2: 74, Al- Baqra: 2: 225, Al- Fatxi: 29: 4, Al- Isra: 111: 36, Al- Cimraan: 3: 156, Al-xaj:22:
46, Al-xaj:22: 32, Al-xaj :22: 53, Al-acraf: 7: 100, Al-acraf: 7: 179, Al-Anfaal: 8: 2, Qaaf: 50:37, Al-maa’ida: 5:52, Al-
maa’ida: 5:41, Towba: 9:77, Towba: 9:45, Towba: 9:93, Al-racda: 13:28, Taqaabuun: 64:11, An-faal:8:63,
Xujraat:49:3, Al-Shuucraa:26:88-89}

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

COMMENTS