BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Addis Ababa Kulan Xasaasi ah Kula Qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey
February 10, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

farmaajo and qm

Madaxweynaha waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.

Labada dhinac ayaa la soo sheegayaa in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaddib markii 2dii bishii Janaayo ee sanadkan dowladda Soomaaliya Eriday ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Antonio Guiteres ayaa sheegay in uu soo magacaabayo ergey cusub oo Qaramada Midoobey kala shaqeyn doona xiriirka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS