BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Biixi oo La Filayo Inuu Soo Saaro Isku Shaandhayn Baaxad Leh Iyo Wasiiro oo Wadnaha Farta Ku Haya
February 8, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo Liiskii isku shaandhaynta cusub ee xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe oo dhan la hadal hayay iyada oo xogo arrintan la xidhiidhaa noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu dhammays tiray oo ku dhawaaqayo wax ka baddal uu ku sameeyo Golihiisa xukuumadda.

madaxwayne mbc

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska FOORE xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saarayo Liis muddoba Miiska u saarnaa oo ah isku shaaandhayn cusub oo uu ku sameeyo xukuumaddiisa taasi oo muddoba hadal haynteedu badnayd balse muddooyinkan damba yara shiiqday waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee arrinkan xalay naga soo gaadhay tibaaxayaan in uu maanta ama maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono isku shaandhayn la filayo in ay ka dhumuc roonaato isku shaandhaymo hore oo aad u koobnaa oo Madaxweynuhu Golihiisa xukuumadda ku sameeyey dhawr jeer oo hore.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddoba saluug weyn ka muujin jiray tayada xubnaha Madaxweynuhu u xushay xukuumaddiisa ayaa waxa ay ka dhur sugayaan bal markan waxa uu Madaxweynuhu la shir yimaaddo iyo in uu ugu yaraan xukuumaddiisa ku soo daro xubno miisaan culus oo saamayn ku yeesha xaaladda waxqabad ee xukuumaddiisa oo si weyn shacabku u dhaliilaan wax badan oo is baddal madaxweynaha laga filayayna aanay ka hayn.

Soo shaac bixidda arrintani waxa ay saamayn weyn ku yeelatay xubno badan oo xukuumadda ka mid ah gaar ahaan Golaha Wasiirrada kuwaasi oo quuddaraynaya in ay ka badbaadaan seefta Madaxweynaha halka in badan oo siyaasiyiin iyo xil doon ah oo CV-yadoodu Madaxtooyada yaallaan rajo ka qabaan in ay ku soo baxaan liiska uu Madaxweynuhu cugan doono.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS