BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Trump oo Su,aalo Adag Waydiinaya Hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika –
February 20, 2019 - Written by admin

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa su,aalo adag ku ganay hogaamiyeyaasha wadamada Afrika.

Madaxweynaha Trump ayaa si adag u weeraray madaxda Afrika, kuwaas oo uu waydiiyey su,aalo la xidhiidha khayraadka ay haystaan iyo sida shacabkuu dariska ula noqday dib u dhaca, fakhriga iyo nolosha liidata.

trump

Madaxweyne Trump ayaa yidhi “Haddii aad ku fadhido dahab, dheeman, saliid,macdanta manganese iyo uranium oo aanay dadkaaguna haysan cunto ma bani aadam ayaad tahay.?

Haddii aad 50 sanadood madax banaanayd oo aanad dhisin waxyaabaha muhiimka u ah dadkaaga ma bani aadam ayaad tahay?

Haddii aad haysato awooda, maka warwarsan tahay inaad hubka ka soo iibsato shisheeyaha
si aad ugu layso muwaadiniintaada, markaa ma bani aadam ayaad tahay?

Haddii mashruuca kaliya ee bulshadaadu yahay inaad awooda haysato inta aad nooshahay ma bani aadam ayaad tahay?

Haddi aad quudhsataan oo aad laadaan muwaadiniintiina sida kubada sidee ayey idiin ixtiraamayaan?

Sidoo kale madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu ka hadlay xidhiidhka laga dhaxaysiiyo Afrika iyo wadanka Faransiiska waxaanu yidhi “Uma baahnin inaan ku dhibo sida madaxweyneyaashii Faransiisku sheegaan in faransiiska iyo Afrika ay dhamaadeen hadana waxay kuu soo dirayaan dalxiisayaasha been abuurka ah oo marka ay ku soo noqdaan faransiska sheega sida ay tahay in mar kale loo gumaysto Afrika.”ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS