BALIGUBADLE MEDIA
Khilaaf Markale Ka Dhex Qarxay Wasaaradda Maaliyadda oo Wasiir Sacad oo Saxeexiisa Lagu Shaqaysto
February 4, 2019 - Written by admin

Waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ka taagnaa Buuq iyo isfaham waa gaadhay in qoraal turxaan leh ay iswaydaarsadaan Maamulayaasha Mid ka mid ah waaxyaha cashuuur Ururinta Wasaaraddaasi, arintaasi oo maashquul galisay Guud ahaan Shaqo maalmeedkii Xafiisyadda Cashuuraha Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Buuqan ayaa ka dhashay sida ka muuqata Qoraal Wargeyska Foore helay oo ku saabsan 33- Sarkaal oo hawlgalayay Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex oo lagu sameeyay isku shaandhayn iyo isku badel shaqo iyo sidoo kale Shaqo ka fadhiisin, Arintaasi oo dhamaan saamaysay, waxaana arintaasi ganafka ku dhuftay Maamulaha Cashuuraha Berriga Maxamed Ducaale Xasan, kaasi

sacad cali shire

oo qoraal uu ku socod siiyay Shaqaalihiisa ku amray inaanay dheg jalaq u siinin Isku shaandhayn uu sheegay inaanay kasoo bixin Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire,waa sida uu qoraalka u dhigaye. Ugu horayn Qoraalka Warqadda isku shaandhaynta ah ee lagu sameeyay 33-ka Sarkaal oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Maxamed Maxamuud oo ku taariikhaysnayd 31/01/2019, ayaa  u dhignayd sidan “Laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2019, ayaa waxa ay saraakiisha Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin loo badelay Goobaha ku hor qoran.

Bashiir Cabdilaahi Maxamuud- Maamulaha Gobolka Maroodi Jeex

Sakariye Cabdi Cali- Maamule Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex

Maxamed Muuse Axmed- Maamulaha Degmada Gacan Libaax

Jamaal Aadan Maxamuud- Maamulaha Degmada Ibraahim Koodbuur

Cabdiqani Ibraahim Maxamuud- Maamulaha Degmada Axmed Dhagax

Cabdirsiaaq Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi- Maamulaha Degmada Maxamuud Haybe

Maxamed Xuseen Huriye- Maamulaha Degmada 26-Ka Juun

Fahad Axmed Xuseen- Maamulaha Beerta Xorriyadda

Cadnaan Qursheekh Xasan- Maamulaha Xafiiska Gol-Janno

Farxaan Xasan Cali- Maamulaha Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka

Hodan Cali Cabdi- Khasnajiga Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka

Cabdiqaadir Muxumed Jaamac- Maamulaha Xafiiska Maxkamadaha Gobolka M/Jeex

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Laanta Socdaalka

Hodan Maxamed Xasan- Khasnajiga Xafiiska Laanta Socdaalka

Ismaaciil Aadan Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Gantaalaha

Ismaaciil Iidaan Yuusuf- Maamulaha Xafiiska Daloodho

Sharmaarke Saleebaan Muuse- Maamulaha Xafiiska Total

Axmed Maxamed Aadan- Maamulaha Xafiiska Idaacadda

Maxamed Axmed Xasan- Maamulaha Xafiiska New Hargeysa

Maxamed Ducaale Xasan- Xafiiska Cashuuraha Barriga Ee Boorama

Khaddar Maxamed Xasan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Maxamed Quulle Aadan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim- Maamule Ku Xigeenka Degmada Maxamuud Haybe

Mustafe Maxamed Ciise- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Cabdi Aadan Maxamuud- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil- Xarunta Degmada 26-Ka Juune

Yaasiin Jaamac Axmed- Xafiiska Star

Cabdirashiid Cabdi Sheekh Muxumed- Xafiiska Degmada Ibraahim Koodbuur

Cawaale Axmed Xirsi- Xarunta Degmada 26-Juun

Maxamed Rashiid Cabdilaahi- Xafiiska Xarunta Axmed Dhagax

Maxamed Cali Jaamac- Xarunta Degmada Gacan Libaax

Ifraax Haybe Cigaal- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Hodan Cabdiraxmaan Axmed- Xafiiska Diiwaan Gelinta Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga

Intaasi markii ay soo baxday ayaa waxa qoraal ku daadafiyay Magacaabistaasi Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaanu qoraal uu ku socodsiiyay Shaqaalihiisa ku yidhi sidan “Dhamaan Maamulayaasha Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaan ku wargalinaynaa in Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berrigu leeyahay oo qudha soo jeedin ee aanu lahayn isku badel, waana dambi inuu awoodii Wasiirka uu sheegto Agaasime Waaxeed, Balse waxaan sugaynaa sida uu Wasiirku uga Go’aan qaato, Haddaba Waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in isku badelkaasi aanay waxba ka jirin, waana wax aan sharciyad lahayn, shaqadeenu maaha Male awaal”.

Waxa kale oo uu ku sii yidhi qoraalkaasi oo uu Og-siiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, sidan “Sidaa darteed waxaan burinaynaa waxan Isku badelka loogu yeedhay, Waxaana idinku adkaynaynaa inaad dakhli maalmeedkiinii ururisaan, Masuuliyiinta Wasaaradda ee Warqaddan ogaysiinta ku lehna waxaana la socodsiinnaynaa maalintii la soo badelay maalintii xigtay in agaasime waaxeedku uu badel ku sameeyay Khasnajiyiintii, maantana oo ay muddadiisii xil hayntu tahay afar cisho uu aargoosi qaawan ku kacay” ayaa qoraalka warqadaasi lagu yidhi.

Waxa sannadkii hore Wasaaradda Maaliyadda ka qarxay Khilaaf Caynkan oo kale ah kaasi oo aakhirkii sababay in dhamaan Masuuliyiintii ugu saraysay Wasaaradda laga caydhiyo.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS